HomeWararMadaxweyne Qoorqoor oo Amar dul-dhigay Wasiirka A/Gudaha Galmudug

Madaxweyne Qoorqoor oo Amar dul-dhigay Wasiirka A/Gudaha Galmudug

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ku sugan Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa xalay waxaa halkaas loogu sameeyay Munaasabad soo dhaweyn ah. Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, Maamulka Degmada iyo qeybaha kala duwan Bulshada ku dhaqan Guriceel. Madaxweyne Qoorqoor ayaa Khubad ka jeediyay Munaasabada ayaa marka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ku sugan Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa xalay waxaa halkaas loogu sameeyay Munaasabad soo dhaweyn ah.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, Maamulka Degmada iyo qeybaha kala duwan Bulshada ku dhaqan Guriceel.

- Advertisement -

Madaxweyne Qoorqoor ayaa Khubad ka jeediyay Munaasabada ayaa marka horey Bulshada Guriceel uga mahadceliyay soo dhaweyntii ay u sameeyeen markii uu gaaray halkaas isaga iyo wafdigiisa.

Waxaa uu sheegay Madaxweynaha Galmudug in Guriceel ay tahay meel u qalanta inay degmo noqoto, isla markaana waxaa uu ku amray Wasaarada Arimaha Guddaha Galmudug in ay Deg-deg u diyaariso soo jeedinta Degmonimada Guriceel si Baarlamaanku uga doodo loona ansaxiyo.

“Guriceel inta la dhaafay Bajaajtii ayaa Bas la’isaga raacaayaa, Guriceel sahan degmonimo way ka dhantahay, degmanimana way u qalantaa, wasiir soo diyaari degmanimadii Guriceel si golaha loo marsiiyo, reer Guriceel haddii inta aan degmo siinno aysan gobol naga dhigga nagu dhihin waan u mahad-celinaynaa” ayuu yiri Qoorqoor.

- Advertisement -

Si kastaba Magaalada Guriceel ayaa kamid ah Maglooyinka ugu amniga wanaagsan deegaanada Maamulka Galmudug, isla markaana waxaa gacanta ku heysan jiray Maamulkii Ahlusunna ee ku biiray Galmudug, kadibna deegaanka laga saaray.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts