HomeWararFaah faahin:-Qaraxii ka dhacay Magaalada Muqdisho + Sawirro

Faah faahin:-Qaraxii ka dhacay Magaalada Muqdisho + Sawirro

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo Qarax xoogan oo ka dhacay kasoo horjeeday Dekadda weyn ee Magaalada  Muqdisho, waxaana jugtiisa qaraxaas laga maqlay inta Degmooyinka Gobolka Banaadir. Qaraxaas oo ahaa mid loo adeegsaday Gaariga nooca raaxada ah oo laga buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa waxaa lagu weeraray Xarunta Laanta Canshuuraha Booliska Soomaaliya oo ku taalla kasoo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo Qarax xoogan oo ka dhacay kasoo horjeeday Dekadda weyn ee Magaalada  Muqdisho, waxaana jugtiisa qaraxaas laga maqlay inta Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Qaraxaas oo ahaa mid loo adeegsaday Gaariga nooca raaxada ah oo laga buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa waxaa lagu weeraray Xarunta Laanta Canshuuraha Booliska Soomaaliya oo ku taalla kasoo horjeeda Dekadda weyn ee Muqdisho.

- Advertisement -

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa waxaa ay u sheegeen in gaariga waday qaraxa uu si xoog ah ku soo dhaafay Bar Koontarool oo Ciidanka Booliska ku leeyihiin agagaarka Laanta Canshuuraha, hayeeshee markii dambe rasaas lagu furay ayuu gaariga ku qarxay.

Ugu yaraan shan Askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska dowladda ayaa ku dhaawacmay qaraxaas, halka uu dhintay ruuxii gaariga waday, waxaana Askarta dhaawacantay loo qaaday Xarun Caafimaad oo ku taalla Muqdisho.

Sawirro laga soo qaaday goobta uu qaraxu dhacayay ayaa lagu arkayay qeyb kamid ah Derbiga Xarunta Laanta Canshuuraha Booliska oo burbur xoogan soo gaaray, sidoo kalena ay dhulka daad-san yihiin Caleen badan oo geed ku yaalla halkaas ah.

- Advertisement -

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Soomaaliya ayaa ku sugan goobta, isla markaana xiray aaga Xarunta Laanta, sidoo kalena wada baaritaano kala duwan, waxaana halkaas ku sugan Wariyeyaal ka tirsan warbaahinta Muqdisho.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts