HomeWararWararkii ugu dambeyay xaaladda Magaalada Addis Ababa iyo Hachalu Hundessa oo la...

Wararkii ugu dambeyay xaaladda Magaalada Addis Ababa iyo Hachalu Hundessa oo la aasay

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Rabshado socday laba maalmood ayaa 81 qof ku dilay Ethiopia, sida uu Arbacadii sheegay madaxa booliska, kadib markii la dilay heesaa caan ah oo kasoo jeeday qowmiyadda ugu tirada badan dalka ee Oromada. Hachalu Hundessa, oo heesihiisa siyaasadeed ay cod siiyeen dareenka ay muddada qabeen Oromada ee ah in la liiday, ayaa toogasho lagu dilay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Rabshado socday laba maalmood ayaa 81 qof ku dilay Ethiopia, sida uu Arbacadii sheegay madaxa booliska, kadib markii la dilay heesaa caan ah oo kasoo jeeday qowmiyadda ugu tirada badan dalka ee Oromada.

Hachalu Hundessa, oo heesihiisa siyaasadeed ay cod siiyeen dareenka ay muddada qabeen Oromada ee ah in la liiday, ayaa toogasho lagu dilay habeenkii Isniinta.

- Advertisement -

Dibad-baxyo carro leh ayaa ka dillaacay magaalada Addis-Ababa iyo gobolka Oromia ee ku hareereysan, halkaasi oo ah xudunta dadka Oromada, oo ah qowmiyad muddo ka cabaneysay inay caburiyeen qowmiyado kale oo ay ka tiro badan yihiin balse dalka maamulayey.

“Illaa iyo hadda waxaa dhintay 81 qof oo ay ku jiraan saddex ka mid ah ciidamada booliska gaarka ah ee gobolka Oromia,” waxaa sidaas yiri Ararsa Merdasa, oo ah madaxa booliska Oromia.

Rabashadihii ugu xumaa ayaa Arbacadii ka dillaacay magaalada uu kasoo jeedo Hachalu ee Ambo, oo ku taalla galbeedka Addis-Ababa.

- Advertisement -

Carrada xoggeeda ayaa salka ku haysay damaca Oromada ee ahaa in Hachalu lagu aaso magaalada Addis-Ababa, oo taariikh ahaan ah xudunta dhulkooda, halkaasi oo ay dareemayaan in laga barakiciyey.

Talaadadii Ethiopia ayaa xaqiijisay inay xirtay siyaasiga hoggaamiya mucaaradka ee Jawar Mohammed, oo ahaan jiray milkiile warbaahineed oo dhowaan ku biiray xisbiga mucaaradka ee Oromo Federalist Congress, iyo 34 qof oo kale.

Xariga ayaa yimid intii uu socday iska horimaad dhex-maray Jawar iyo ciidamada ammaanka oo la xiriiray meydka Hachalu Hundessa.

Booliska ayaa sheegay in meydka Hachalu loo waday magaalada uu kasoo jeedo ee Ambo, si loogu aaso, islamarkaana Jawar iyo taageerayaashiisa ay is-hortaageen ayna isku dayeen inay ku celiyaan Addis-Ababa, kadibna uu xigay isku dhaca.

Hachalu ayaa maanta lagu aasay magaalada Ambo.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts