HomeWararRag burcad ah oo Caawa Dil ka geystay Xaafad ka tirsan Magaalada...

Rag burcad ah oo Caawa Dil ka geystay Xaafad ka tirsan Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Rag hubeysan oo burcad ah oo Caawa wiil dhalinyaro ahaa ku dilay Xaafad ka tirsan Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir. Goobjoogayaal ayaa ku warramay in dilka loo geystay Wiilka dhalinyarada ahaa uu ka dhacay agagaarka masaajidka Sheekh Xasan oo ku yaalla Xaafadda Juungal ee Yaaqshiid, isagoo u geeriyooday […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Rag hubeysan oo burcad ah oo Caawa wiil dhalinyaro ahaa ku dilay Xaafad ka tirsan Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in dilka loo geystay Wiilka dhalinyarada ahaa uu ka dhacay agagaarka masaajidka Sheekh Xasan oo ku yaalla Xaafadda Juungal ee Yaaqshiid, isagoo u geeriyooday rasaas lagu dhuftay.

- Advertisement -

Allaha u naxariistee Wiilka la dilay oo lagu magacaabayay Cabdulqaadir Cabdullaahi Goosaar ayaa la sheegay in dilkiisa ay geysteen rag ku hubeysnaa qorayga AK47,  kuwaas oo ka dhacayay mootada uu watay, balse markii uu diiday in uu dhiibo furaha mootadana ay dileen ka dibna ay wateen mootada.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa tegay goobta uu falku ka dhacay, iyagoo halkaas ka qaaday Meydka Wiilka, waxaana sidoo kale goobta tegay qaar kamid ah Ehelada Marxuumka.

Xaafaddo ku yaalla Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa xiliyada habeenkii ah mararka qaarkood dhac ka geysta rag hubeysan oo burcad ah, kuwaasi oo dadka ka qaata waxyaabaha ay wataan, sidoo kalena cidii ka dhago adeegta dalabkooda dil u geysta.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts