HomeWararMadaxda ugu sarreeysa Dowladda Somalia oo ku wajahan Jabuuti

Madaxda ugu sarreeysa Dowladda Somalia oo ku wajahan Jabuuti

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran uu hogaaminayo ayaa Maanta ku wajahan Magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalkaas. Safarka Madaxweyne Farmaajo ee Jabuuti ayaa waxaa ku wehlin doona Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xasan Cali Kheyre, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, Wasiir Cawad iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Federaalka. Ujeedka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran uu hogaaminayo ayaa Maanta ku wajahan Magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalkaas.

Safarka Madaxweyne Farmaajo ee Jabuuti ayaa waxaa ku wehlin doona Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xasan Cali Kheyre, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, Wasiir Cawad iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Federaalka.

- Advertisement -

Ujeedka Madaxweynaha iyo wafdigiisa ee dalkaas ayaa waxaa uu yahay sidii ay uga qeyb geli lahaayeen Shir Maanta u furmaya Soomaaliya iyo Somaliland, kaasi oo uu shir Guddoomin doono Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Sidoo kale Shirka ayaa waxaa lagu Casuumay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, kaasi oo goobjoog ka noqon doona Shirka dhexmarin doona Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi.

Dhinaca kale Magaalada Hargeysa ayaa waxaa ka ambabixi doona Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha Guurtid Maamulkaas, wasiirka arrimaha debedda iyo xubno ka tirsan xisbiyada mucaaradka, iyagoo kusii jeeda Jabuuti.

- Advertisement -

Shirka oo furmi doona saacadaha soo socda ayaa waxaa weli la shaacin Ajendayaasha looga hadli doono, hayeeshee Shirkaas ayaa waxaa uu qeyb ka noqonayaa wada-hadallo horey u dhexmaray labada dhinac.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts