HomeWararPuntland oo ka hortimid Shirka Berri u furmayo Soomaaliya iyo Somaliland

Puntland oo ka hortimid Shirka Berri u furmayo Soomaaliya iyo Somaliland

Date:

Related stories

Muqdisho: Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay ‘Wadnaha’ Dhaqaalaha Badda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furay xarunta cusub ee Wasaaradda Dekedaha, isagoo ku dhawaaqay qorshe cusub oo lagu sugayo amniga badda iyo ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah.

Dekedaha Iiraan iyo Cadaadiska Trump: Ma la gaaray xilligii xabbad joojin rasmi ah mise waa xeelad cusub?

Donald Trump oo go'aan layaab leh ka qaatay Iiraan: Xabbad-joojin la kordhiyay iyo xanibaado cusub oo lagu adkeeyay dekedaha.

NISA Confirms Airstrike in Guulane Kills Al-Shabaab Members

The first operation targeted a house where Al-Shabaab leaders and militiamen were stationed. At least 15 members were killed in the strike. The militants' base was also destroyed, which they had been using to organize militias and plan acts of destabilization.

Iiraan oo awooddeeda tustay caalamka xilli xabbad-joojin la hadal hayo.

Iiraan oo soo bandhigtay gantaal gaaraya 2,000 KM xilli la hadal hayo xabbad-joojin uu ku dhowaaqay Donald Trump.

Turkey Expands Its Role in Counterterrorism Operations in Somalia

"Türkiye will directly support the efforts of Somali forces against Al-Shabaab and ISIS," Fidan said, elaborating on plans to expand security cooperation and counterterrorism operations.

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa kasoo horjeesatay shir Maalinta Berri lagu wado inuu Dalka Jabuuti uga furmo Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi Cabdi.

War qoraal ah oo uu soo saaray Afhayeenka Madaxweynaha Puntland Jaamac Dabaraani ayaa waxaa uu ku sheegay in Puntland haddii aan laga qeyb-gelin wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya aysan waxba ka jirin oo laga leeyahay Ujeedo kale.

“Wadahadal Soomaaliya iyo Somaliland ah oo aan Puntland door laga siin anigu magaran karo ujeedka laga leeyahay, waayo cidda ay xuduudu ka dhexeeyso waa Puntland iyo Somaliland” ayuu yiri Jaamac Dabaraani.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa waxaa uu tilmaamay in wax hagaagaan oo midnimo dhab ah laga shaqeynayo loo baahan yahay in wadahadalka labada dhinac ay ka galaan Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland.

“Marka hadii la rabo inay wax hagaagaan oo midnimo dhab ah laga shaqeynayo waa in Masuuliyiinta Puntland, oo ay ku jiraan siyaasiyiinta Puntland ku metela Sanaag , Sool iyo Ceyn ay ka qeyb galaan wadahadalka, hadii kale waxaa uu wadahalku ku sifoobaya mid aan masiiri aheyn oo dano siyaasadeed uun laga leeyahay” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Dabaraani.

Si kastaba hadalka Puntland ayaa waxaa kusoo aadayaa, iyadoo Maalinta Berri dalka Jabuuti uu shir uga furmayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in berri uu kulan sii doono labada Madaxweyne, waxaana kulanka lagu Casuumay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories