HomeWararKuuriyada Waqooyi oo digniin u dirtay dowladda Mareykanka

Kuuriyada Waqooyi oo digniin u dirtay dowladda Mareykanka

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Jabuuti iyo Itoobiya oo Bilaabay Dhuun Shidaal

Jabuuti iyo Itoobiya ayaa bilaabay dhismaha dhuun shidaal oo dhererkeedu yahay 120 KM, taas oo isku xiri doonta Damerjog iyo Dewele, laguna doonayo in lagu fududeeyo gaarsiinta shidaalka.

Kuuriyada Waqooyi ayaa waxay sheegtay in Maeylkanka looga baahan yahay in uusan ka hadlin arrimaha xiriirka labada Kuuriya waa haddii uu Mareykanku doonayo in doorashooyiinka madaxwaynanimada ay u dhacaan si hab-sami leh. Bayaan lagu baahiyay wakaalada wararka rasmiga ah ee Kuuriyada Waqooyi ee loo soo gaabiyo KCNA ayaa lagu sheegay in Mareykanka ay afkooda qabsadaan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Kuuriyada Waqooyi ayaa waxay sheegtay in Maeylkanka looga baahan yahay in uusan ka hadlin arrimaha xiriirka labada Kuuriya waa haddii uu Mareykanku doonayo in doorashooyiinka madaxwaynanimada ay u dhacaan si hab-sami leh.

Bayaan lagu baahiyay wakaalada wararka rasmiga ah ee Kuuriyada Waqooyi ee loo soo gaabiyo KCNA ayaa lagu sheegay in Mareykanka ay afkooda qabsadaan oo aysan arrimaha labada Kuuriya soo faragalin.

- Advertisement -

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Mareykanka ay xaliyaan dhibaatooyiinka gudahooda ka jira.

Kuuriyada Waqooyi ayaa horraantii toddobaadkan jartay xiriirkii kala dhaxeeyay Kuuriyada Koonfureed ka dib markii ay Seoul ku guuldareysatay in ay joojiso warqado iyo qalab kale oo ay soo dirayeen dad u goostay dhanka Koonfurta.

Hadalka ka soo yeeray Kuuriyada Waqooyi ayaa ku soo beegmay ka dib markii xukuumadda Washington ay sheegtay inay ka xuntahay in Pyongyang ay hakiso xiriirkii kala dhaxeeyay Seoul.

- Advertisement -

Wadaxaajoodyadii ku saabsanaa soo afjaridda barnaamijka Niyukleerka Kuuriyada Waqooyi ayaa la isku mari waayay iyada oo ay jirto in ay kulmeen madaxwayne Trump iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts