HomeWararTaliyaha Ciidanka Xoogga iyo Saraakiil kale oo gaaray Dhuusamareeb

Taliyaha Ciidanka Xoogga iyo Saraakiil kale oo gaaray Dhuusamareeb

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa Goordhow gaaray wafdi Saraakiil Ciidan ah oo ka socda dowladda Federaalka, iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay. Wafdigaan ayaa waxaa hogaaminaya Taliyaha Ciidanka  Xoogga dalka Gen. Odawaa Yuusuf Raage, waxaana safarkiisa Dhuusamareeb ku wehlinaya Taliyaha dhawaan loo magacaabey Qaybta Guud ee Booliska Maamulka Galmudug Gen. Bishaar Abshir […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa Goordhow gaaray wafdi Saraakiil Ciidan ah oo ka socda dowladda Federaalka, iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.

Wafdigaan ayaa waxaa hogaaminaya Taliyaha Ciidanka  Xoogga dalka Gen. Odawaa Yuusuf Raage, waxaana safarkiisa Dhuusamareeb ku wehlinaya Taliyaha dhawaan loo magacaabey Qaybta Guud ee Booliska Maamulka Galmudug Gen. Bishaar Abshir geedi iyo Taliyaha Guutada 15-aad ee qaybta 21-aad General Mascuud Maxamed warsame.

- Advertisement -

Garoonka diyaaradaha ayaa waxaa wafdiga kusoo dhaweeyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga iyo kuwa dowlad Goboleedka Galmudug, waxaana Taliyaha Ciidanka Xoogga uu salaan sharaf ka qaatay Ciidamada Qalabka Sida.

Taliye Odawaa Yuusuf Raage ayaa waxaa la filayaa inta uu ku sugan yahay Dhuusamareeb inuu kulamo kala duwan la qaaato Saraakiisha Ciidanka dowladd Federaalka iyo kuwa maamulka Galmudug.

Sidoo kale waxaa uu koermeer uu tegi doonaa sida la sheegay xeryaha Ciidamada Dowladda, isagoo halkaas kula kulmi doona Ciidamo ah loo diyaariyay in dhawaan howlgal ka dhan ah Al-shabaab ay ka bilaaban deegaano ka tirsan Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts