HomeCaalamkaMaxkamad Go'aan ka gaareysa kiisas ku saabsan Madaxweyne Trump

Maxkamad Go’aan ka gaareysa kiisas ku saabsan Madaxweyne Trump

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Garsoorka Maxkamadda ugu sarreysa dalka Mareykanka ayaa dhageysanaya kiis ku saabsan in madaxweyne Donald Trump loo oggolaado inuu sir ka dhigto xogtiisa dhaqaale iyo inkale. Go’aankan ayaa noqon doona mid saameyn weyn ku yeesha awoodda madaxweynaha. Mr Trump wuxuu ku gacan seyray inuu soo bandhigo warqado muujinaya hantida uu heysto iyo shaqada ay qabato shirkadda […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Garsoorka Maxkamadda ugu sarreysa dalka Mareykanka ayaa dhageysanaya kiis ku saabsan in madaxweyne Donald Trump loo oggolaado inuu sir ka dhigto xogtiisa dhaqaale iyo inkale.

Go’aankan ayaa noqon doona mid saameyn weyn ku yeesha awoodda madaxweynaha.

- Advertisement -

Mr Trump wuxuu ku gacan seyray inuu soo bandhigo warqado muujinaya hantida uu heysto iyo shaqada ay qabato shirkadda qoyskiisa.

Labo guddi oo ka tirsan Aqalka Wakiillada iyo dacwad oogeyaasha New York ayaa dalbaday in loo soo gudbiyo macluumaadka muujinaya canshuur celintii uu sameeyay madaxweynaha.

Hase yeeshee, qareennada Mr Trump waxay ku doodayaan inuu xuquuq difaaceysa heysto inta uu hayo xilka madaxweynaha.

- Advertisement -

Khubarada arrimahan ku xeel dheer ayaa sheegaya in go’aanka kasoo bixi doona maxkamadda uu adkeyn karo awoodda ay Golaha Wakiillada kula xisaabtami karaan madaxweyne xafiiska ku sugan wali, sidoo kalena aysan sahlanaan doonin in dacwad oogeyaasha ay baaritaanno billaabaan.

Go’aanka maxkamadda ayaa la filayaa inuu soo baxo ka hor inta aysan dhicin doorashada madaxweynaha ee loo ballansan yahay bisha November ee sannadkan.

Haddii ay maxkamaddu soo saarto go’aan ka dhan ah Mr Trump waxay taasi ka dhignaan doontaa in sirtiisa la fashili doono xilliga uu socdo ol’olaha doorashada, kaasoo aad xasaasi u ah.

Garsooreyaasha ayaa kiiskaska ku dhageysan doona dhinaca telefoonnada, maadaama aan la isku imaan karin, coronavirus awgiis.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts