HomeWararMadaxweyne Deni oo faah-faahin ka bixiyay Khasaaraha dadaadkii Qardho

Madaxweyne Deni oo faah-faahin ka bixiyay Khasaaraha dadaadkii Qardho

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa uu faah faahin ka bixiyay Khasaaraha ka dhashay daadadkii dhawaan ku rogmaday Magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkar ee Puntland. Madaxweyne Deni ayaa waxaa uu marka hore sheegay in daadadkii ku rogmaday Qardho ee ka dhashay Roobabkii mahiigaanka ahaa ee halkaas ka da’ay ay ku dhinteen […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa uu faah faahin ka bixiyay Khasaaraha ka dhashay daadadkii dhawaan ku rogmaday Magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkar ee Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa waxaa uu marka hore sheegay in daadadkii ku rogmaday Qardho ee ka dhashay Roobabkii mahiigaanka ahaa ee halkaas ka da’ay ay ku dhinteen 8 ruux oo shacab ah, isagoona tacsi u diray Ehelada iyo qaraabadii ee dadkaas ka baxeen.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay Madaxweynaha Puntland in daadadka Qardho ay ku barakaceen 3,540 qoys, isla markaana ay burburiyeen 750 Guri, sidoo kalena ay ku baaba’day kun iyo labaatan Goobo Ganacsi ah oo ku yaallay Suuqa Magaaladaas.

Isaga oo sii hadlaayay ayuu sheegay in Qardho lasoo gaarsiiyay gurmad farabadan oo isugu jiray Raashin, Daawo iyo Agabyo kala duwan oo loogu talagalay dadkii waxyeelada soo gaartay, isla markaana la gaarsiiyay 60 kun iyo 20 qoys oo shacab  ah.

Waxaa uu Deni ka mahadceliyay sida Dowladda Federaalka iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee ka qeyb qaatay gurmadka loo sameeyay dadkii waxyeelada kasoo gaartay daadadkii ku rogmaday Qardho.

- Advertisement -

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa ka hadlay xaaladda Cudurka halista ah ee Coronavirus, isagoo sheegay in Cudurka uu yahay khatar ah oo aan daawo laheyn, isla markaana looga baahan yahay in feejignaan dheeraad ah laga galo.

Sidoo kale Deni  walaac farabadan ayuu ka muujiyay Cudurka iyo Kiisaskii dhowrka ahaa ee laga helay deegaanada Puntland, wuxuuna ka tacsiyeeyay dhamaan dadkii Soomaaliyeed ee u dhintay Cudurkaas.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa uu  shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Puntland ugu baaqay inay qaatan tallooyinka Caafimaad oo ay jeedinayan dhaqaatiirka Caafimaadka, kuwaasi oo la xiriira ka hortega faafida Cudurka COVID-19.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts