HomeWararDagaal ka socda deegaan ka tirsan Gobolka Galgaduud

Dagaal ka socda deegaan ka tirsan Gobolka Galgaduud

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Wararka aan ka heleyno deegaan dhanka Waqooyi ka xiga Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas  uu ka socdo dagaal u dhexeeya laba Maleeshiyo beeleed oo deegaanka wada-dega. Dagaalkaan ayaa waxaa uu sigaar ah uga socdaa deegaan lagu magacaabo Qalaanqale, waxaana lasoo werinayaa in labada Maleeshiyo beeleed ay dagaalka isku […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno deegaan dhanka Waqooyi ka xiga Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas  uu ka socdo dagaal u dhexeeya laba Maleeshiyo beeleed oo deegaanka wada-dega.

Dagaalkaan ayaa waxaa uu sigaar ah uga socdaa deegaan lagu magacaabo Qalaanqale, waxaana lasoo werinayaa in labada Maleeshiyo beeleed ay dagaalka isku adeegnayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

- Advertisement -

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dagaalkaas ka socda Qalaanqale uu salka ku haayo arrimo la xiriira dhul-daaqsiymeed ku yaalla halkaas oo dhowr jeer Maleeshiyo beeleedka ay ku dagaalameen, kuwaasi oo kasoo kala jeeda Dhuusamareeb iyo Cadaado.

Weli lama oga Khasaaraha ka dhashay dagaalka, waxaana dadka deegaanka ay soo sheegayaan inay maqlayaan dhawaqa rasaas xoogan oo labada dhinac ay isdhaafsanayaan.

Deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay dagaal beeleedyo geystay Khasaarooyin isugu jiray dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Maleeshiyaad iyo dad shacab ah oo u badnaa xoolo dhaqato, kuwaasi oo inta badan ka dhashay Arrimo la xiriira dilal ah aanooyin qabiil iyo dhul-daaqsimeedyo.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts