HomeWararMadaxweyne Farmaajo oo Hambalyo u diray Shaqaalaha Soomaaliyeed

Madaxweyne Farmaajo oo Hambalyo u diray Shaqaalaha Soomaaliyeed

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka, waxaan hambalyo qiimo badan u dirayaa dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, iyaga iyo qoysaskooda.

Shaqaalaha Soomaaliyeed waxaan uga mahadcelinaynaa maskax iyo muruqa ay geliyeen dib u dhiska iyo horumarinta dalkeenna. Waxaan xasuusannahay dadaalladii wax ku oolka ahaa iyo doorkii taariikhiga ahaa ee shaqaalaha Soomaaliyeed ay ku leeyihiin sooyaalka dalkeenna, iyaga oo saldhig u ahaa halgankii xurnimo doonka iyo aasaaskii qarannimadeenna.

Waxay maanta oo kale mudnaayeen u qabasho dabaaldegyo, kulamo lagu sharfayo iyo guddoonsiin abaalmarino. Hase yeeshee, saamaynta uu keenay caabuqa COVID-19 darteed suurtogal inooma ahan arrimahaasi.

Dalkeenna maanta waxaa uu la tacaalayaa halis caafimaad oo uu sababay cudurka COVID-19, kaasoo dunida oo idil ku yeeshay saamayn xoog leh oo dhinacyada caafimaadka, dhaqaalaha, bulshada iyo weliba suuqyada shaqooy Mintaas inoo dheer masiibooyin dabiici ah oo ku dhuftay qaybo ka mid ah dalkeenna, iyo argagixiso ummadda dhibaatadeeda guul u arka. Dhammaan caqabadahan waxa ay inagu waajibinayaan in aan laba laabno dadaalkeenna iyo waxqabadkeenna, innaga oo mideynayna muruqeenna iyo maankeenna, si aan u xaqiijinno hiigsigeenna ku aaddan dal horumarsan oo barwaaqo ah.

Inkasta oo shaqaalaha Soomaaliyeed ay ku shaqeeyeen duruufo adag, haddana waxa ay muujiyeen hawlkarnimo iyo dhabar adayg, iyaga oo ka gudbay caqabado badan, isla markaana xaqiijiyay rajada iyo yididiilada shacabka Soomaaliyeed ee dib u soo nooleynta Qarankeenna.

Dawladdu waxa ay xoogga saartay Ilaalinta xuquuqda iyo sharafta shaqaalaha Soomaaliyeed, kuwa dawladda u shaqeeya iyo kuwa aan dawladda u shaqaynba, waxaana aan mudnaanta siinay kor u qaadidda fursadaha shaqo ee dhallinyarada.

Waxaan xaqiijinay inaan shaqaalaha dawladda xuquuqdooda mushahar siino, taas oo aan uga golleenahay yareynta shaqo la’aanta ka jirtay dalkeenna, waana ku dadaalaynaa sidii guri kasta oo Soomaaliyeed u heli lahaa dhaqaale uu ku maareeyo noloshiisa.

Si loo xoojiyo xuquuqda iyo waxqabadka shaqaalaha, waxaan dardar gelinaynaa dadaalladeenna ku aaddan xoojinta Iskaashatooyinka dalka, ururrada shaqaalaha iyo ururrada bulshada rayidka ah.

Waxaan munaasabaddan uga faa’iidaysanayaa inaan halkaan baaq uga diro loo-shaqeeyeyaasha, ha ahaadaan dawlad, ganacsato, iyo hay’ado kaleba, in la ilaaliyo xuquuqda shaqaalaha waqtigan adag ee cudurka COVID-19 saameeyay noloshooda oo idil. Ha la isku naxariisto si EEBBE noogu naxariisto.

Waxaan Alle naxariistiisa Jannatul Fardows u weydiinayaa waalidiinta iyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku naf waayey iyaga oo maskaxdooda iyo muruqooda ugu adeegaya dalkooda.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories