HomeWararTaabid Cabdi oo Baaq Deg-deg ah u diray Dowladda iyo Hirshabeelle

Taabid Cabdi oo Baaq Deg-deg ah u diray Dowladda iyo Hirshabeelle

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay cabsida laga qado inuu fatahaad sameeyo webiga shabeelle, maadaama la gudagalay xiliga roobka Gu’ga. War qoraal ah uu soo saaray Taabid Cabdi ayuu ku sheegay in Xaaladda webiga Shabeelle aad looga deyrinayo, ayna dadka ku sugan Baladweyne soo sheegayaan in webiga […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay cabsida laga qado inuu fatahaad sameeyo webiga shabeelle, maadaama la gudagalay xiliga roobka Gu’ga.

War qoraal ah uu soo saaray Taabid Cabdi ayuu ku sheegay in Xaaladda webiga Shabeelle aad looga deyrinayo, ayna dadka ku sugan Baladweyne soo sheegayaan in webiga qar-dhaaf bilaabay, halisna ka imaan karto.

- Advertisement -

Duqii hore ee Muqdisho ayaa u mahadceliyay Maamulka Gobolka Hiiraan oo bilaabay dadaallo looga hortego fatahaada ka dhalan karta Webiga Shabeelle.

Dowladda Federaalka Soomaaliya  iyo D. Gobolleedka Hirshabeelle ayuu Taabid Cabdi ugu baaqay in si deg-deg ah ugu istaagaan sidii looga hortagi lahaa fatahaadda webiga inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

“October 2019 ayay aheyd markii fatahaadda webiga Shabeelle uu qasaaro ba’an gaarsiiyay dhowr magaallo, haba ugu sii darnaatee Beledweyne. Waa wax aad looga naxo in aanan waxba laga baran, waxnana laga qaban dhibtii dhacday, iyada oo balanqaadyo waa weyn la sameeyay billoooyin kahor” ayuu yiri Taabid Cabdi Maxamed.

- Advertisement -

Sanad walba ayaa Wabiga Shabeelle ee mara Gobolada labada Shabeelle iyo Hiiraan waxaa uu sameeyaa fahataado sababa inay dad badan barakacaan, waxaana sanadkii tegay ee 2019-kii fatahaadii dhacday ka dhashay Khasaaro isugu jiray Naf iyo maal intaba.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts