HomeWararSheekh Shariif “DFS awood badan uma lahan ka hortaga Coronavirus”

Sheekh Shariif “DFS awood badan uma lahan ka hortaga Coronavirus”

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa waxaa uu hadlay xaladda dalka ee ku aadan Cudurka halista ah ee Coronavirus oo kiisas farabadan laga helay gudaha Muqdisho  iyo Magaalooyin kale oo ka tirsan dalka. Sheekh Shariif oo War qoraal ah bartiisa Facebook kusoo qoray ayaa waxaa uu ku sheegay in Khatarta Coronavirus ee […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa waxaa uu hadlay xaladda dalka ee ku aadan Cudurka halista ah ee Coronavirus oo kiisas farabadan laga helay gudaha Muqdisho  iyo Magaalooyin kale oo ka tirsan dalka.

Sheekh Shariif oo War qoraal ah bartiisa Facebook kusoo qoray ayaa waxaa uu ku sheegay in Khatarta Coronavirus ee dalka Soomaaliya ay haatan mareyso xaalad adeg oo u baahan in la qaato talooyinka dhakhaatiirta Caafimaadka ay jeedinayan sida:-

- Advertisement -
  1. Sanka & afka oo la xirto,
  2. gacmaha oo saabuun lagu dhaqo,
  3. Gacmaha oo laga ilaaliyo afka, sanka & indhaha
  4. iyo in la kala fogaado ugu yaraan laba mitir.

Sidoo kale Shariif ayaa waxaa uu sheegay in Cudurka COVID-19 uu yahay xaalad adeg oo ay wax qaban waayeen dowladahii aduunka ugu awoodda badnaa, isla markaana Cudurka uusan laheyn daawo loo isticmaalo.

Ugu dambeyn Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa waxaa uu tilmaamay in dowladda Soomaaliya aysan awood badan u laheyn ka hortagga cudurkaan, hayeeshee waxaa uu xusay in hadii si wadajir ah loo kaashado fariimaha Caafimaadka laga guuleysan karo xakamaynta faafista cudurkan

Tirada guud ee  dadka laga helay Cudurka Coronavirus ee dalka ayaa gaartay 480 Qof, waxaana Cudurka ugu geeriyooday dalka 26 Ruux, kuwaasi oo u badnaa bukaano Cudurka uu ku dhacay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts