HomeWararMooshino xilka qaadis ah oo laga kala gudbiyay Waare iyo Sh Cismaan...

Mooshino xilka qaadis ah oo laga kala gudbiyay Waare iyo Sh Cismaan Barre

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa laga dareemayaa Khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas Sheekh Cismaan Barre. Guddoomiye Cismaan Barre oo xalay shil Jaraa’id ku qabtay Jowhar ayaa waxaa uu sheegay inuu qabtay Mooshin xilka looga qaadayo Madaxweyne Waare ayna u soo gudbiyeen Xildhibaano dhowr […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa laga dareemayaa Khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas Sheekh Cismaan Barre.

Guddoomiye Cismaan Barre oo xalay shil Jaraa’id ku qabtay Jowhar ayaa waxaa uu sheegay inuu qabtay Mooshin xilka looga qaadayo Madaxweyne Waare ayna u soo gudbiyeen Xildhibaano dhowr ah oo ka tirsan Hirshabeelle.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay Cismaan Barre in Mooshinka ay u soo gubiyeen Xildhibaano gaaraya 54 Xildhibaan, kuwaasi oo Madaxweyne Waare ku eedeeyay Musuq-maasuq iyo inuu ku xad-gudbay Dastuurka u yaalla maamulkaas, isagoo xusay in kulan uu isugu yeeri doono Xildhibaanada Mooshinka u soo gubiyay.

Dhinaca kale Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Hirshabeelle Cabdi Xuseen Geedi oo isna warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay inuu qabtay Mooshin xilka looga qaadayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas Sheekh Cismaan Barre, ayna ku saxiixan yihiin 63-Xildhibaan.

Sidoo kale Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa waxaa uu tilmaamay in kulan deg deg ah oo isugu yeeri doono Xildhibaanada Mooshinka u soo gudbiyay, si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo.

- Advertisement -

Si kastaba Mooshinada iska soo horjeeda ee laga  kala gudbiyay Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa waxaa uu kusoo beegmayaa, iyadoo muddo xileedka Madaxda Hirshabeelle ay ka harsan tahay bilooyin kooban.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts