HomeWararMas’uuliyiin ka tirsan DFS oo ku xayirnaa Dal oo soo gaaray Muqdisho

Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo ku xayirnaa Dal oo soo gaaray Muqdisho

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xalay soo Caga dhigatay diyaaradda Turkish Airlines, taasi oo siday Dad Soomaali ah oo isugu jiray Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dad shacab ah oo xanibnaa dalka Turkiga. Diyaaradda ayaa keentay Muqdisho dad ku dhow 58 qof oo Soomaali ah kuwaasi oo uu sameeyay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xalay soo Caga dhigatay diyaaradda Turkish Airlines, taasi oo siday Dad Soomaali ah oo isugu jiray Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dad shacab ah oo xanibnaa dalka Turkiga.

Diyaaradda ayaa keentay Muqdisho dad ku dhow 58 qof oo Soomaali ah kuwaasi oo uu sameeyay xayiraada ka dhalatay Cudurka Coronavirus oo kusii faafaya aduunka oo dhan, iyagoona muddooyinkii dambe ku sugnaa dalka Turkiga.

- Advertisement -

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Mas’uuliyiinta xalay dalka kasoo degay ay kamid ahaayeen Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Cabdi xaashi Cabdullaahi.

Sidoo kale Diyaaradda Turkish Airlines ayaa xalay Muqdisho ka qaaday 101 Muwaadiniin Turki ah oo ku sugnaa Muqdisho, iyagoo go’aan ku gaaray inay dib ugu laabtaan dalkooda, waxaana dadka horey u raacay Diyaaradda kamid ahaa Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre.

Safiirka dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiga dalka Turkiga Jaamac Caydiid ayaa uga mahadceliyay dowladda Turkiga sida wanaagsan ay u fududeysay in dalkaas laga soo qaado dadka Soomaali ah oo ku xayirnaa, iyadoo la joojiyay duulimaadyada Caalamiga ah.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts