HomeWararMaamulka G/Hiiraan oo si kulul uga Jawaabay hadal kasoo yeeray Saciid Deni

Maamulka G/Hiiraan oo si kulul uga Jawaabay hadal kasoo yeeray Saciid Deni

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa si kulul uga hadlay hadal dhawaan kasoo yeeray Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, kaasi oo ahaa in Raashinka qutul duruuriga ee yaalla Puntland aan la geyn karin meelo kale. Guddoomiye Cali Jeyte oo shir Jaraa’id warbaahinta ugu qabtay Baladweyne ayaa waxaa uu sheegay in wax laga xumaado ay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa si kulul uga hadlay hadal dhawaan kasoo yeeray Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, kaasi oo ahaa in Raashinka qutul duruuriga ee yaalla Puntland aan la geyn karin meelo kale.

Guddoomiye Cali Jeyte oo shir Jaraa’id warbaahinta ugu qabtay Baladweyne ayaa waxaa uu sheegay in wax laga xumaado ay tahay hadalka kasoo yeeray Madaxweyne Deni,  iyadoo xiriir wanaagsan uu ka dhexeeyo Ganacsatada Puntland iyo kuwa gobolada dhexe gaar ahaan kuwa ku sugan Gobolka Hiiraan.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay Guddoomiye Cali Jeyte in hadii uusan ka laaban hadalka Madaxweyne Deni uu sheegay in Maamulka Gobolka Hiiraan uu qaadi doono tallaabo adeg oo ku aadan dhinaca Ganacsiga ah.

Isaga oo sii hadlaayay Guddoomiyaha ayuu tilmaamay in Canshuur kordhin ballaaran ay ku sameeyn doonaan Khudaarta iyo Xoolaha Hiiraan looga qaado deegaanada Puntland, wuxuuna xusay in sheey kasta oo Khudaarta ah ee aada Puntland ay ku Canshuuri doonaan 20 dollar.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in muhiim ay tahay in Is-barbar dhig lagu sameeyo Ganacsiga ka jira Hiiraan iyo kan Magaalada Boosaaso, isagoo sheegay Gobolka Hiiraan deegaano ka tirsan Puntland looga qaado Khudaarta iyo Caanaha.

- Advertisement -

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa waxaa uu sheegay in aysan kala maarmin ummadda Soomaaliyeed oo ay walaalo yihiin, isla markaana aduunka uu jiro Ganacsiga oo ay shaqeynayaan Maraakiibta Ganacsiga, hayeeshee uu jiro oo kaliya Cudurka Coronavirus.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts