HomeCaalamkaWararkii ugu dambeeyay Weerar Dad lagu laayay oo dhacay

Wararkii ugu dambeeyay Weerar Dad lagu laayay oo dhacay

Date:

Related stories

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...

Commander ousted after reported refusal to deploy troops

- Somali President Hassan Sheikh Mohamud has removed the...

Pirate attacks on two commercial ships thwarted off Somalia

Armed pirates attacked two commercial vessels in separate incidents...

Race intensifies for Somalia Lower House speaker post

Competition is intensifying for the position of Speaker of...
- Advertisement -

Sida ay daaabacday wakaaladda wararka Canada ee CNA, nin hubaysan oo ku labisan dharka booliska Canada ayaa rasaas uu furay waxa uu ku dilay ugu yaraan 16 qof oo uu ku jiro sarkaal boolis ah, waxaa sidoo kale dhaawacmay qaar kamid ah dadkii goobtaas ka ag dhowaa, waxaana dadkaasi ay ku sugnaayeen mid kamid ah suuqyada loo fasaxay in dadku ka adeegtaan ee magaalada Portabic.

Maamulka magaalada Portabic ayaa iyo laamaha amniga ayaa damcay inay gacanta ku dhigaan ninkan hubaysan balse waxay kala kulmeen iska cabin xoogan taasoo soconaysay mudo saacado ah, iyadoo ugu danbayn gacanta lagu dhigay ninkaan hubaysan ee dadka laayay.

- Advertisement -

Booliisku waxay sheegeen in ninkani uu markii hore watay gaari muuqaal ahaan lamid ah gaadiidka booliska, balse markii danbe uu soo kaxaystay gaari kuwa raaxada ah oo shacabku adeegsadaan isla markaana uu si bareer ah rasaasta ugu furay dad shacab ah.

Raiisel wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa weerarkan ku tilmaamay mid naxdin leh balse waxa uu tilmaamay in sharciga la gayn doono cid kasta oo kaa danbaysay fal danbiyeedka uu ninka hubaysan gaystay.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories