HomeWararMareykanka oo Xoojinaya Sharciga Kala Fogaanshaha Bulshada ee ka hortagga faatidda covid-19

Mareykanka oo Xoojinaya Sharciga Kala Fogaanshaha Bulshada ee ka hortagga faatidda covid-19

Date:

Related stories

Somaliland President Irro Set for Official Visit to Israel

Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi, known as Irro, is...

President Mohamud: Opposition lacks political vision since 2023

Somali President Hasan Sheikh Mohamud said opposition groups have...

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka Cammaan, Urdun...

Three Officers Wounded as Al-Shabaab Strikes Elite SOG Base in Mandera

Three police officers sustained injuries when suspected Al-Shabaab fighters attacked a Special Operations Group (SOG) camp in Fino, located in Lafey Sub-County, Mandera County, on Friday night.

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.
- Advertisement -

Daraasad ay samaysay Jaamacadda Harvard ee dalka Mareykan ayaa tilmaamaysa in Mareykanku uu sii wadayo adeegsiga sharciga mamnuucaya isu dhowaan-shaha bulshada isla markaana uu sii shaqayn doono ilaa inta laga gaarayo sanadka 2022, iyadoo ujeedaduna tahay xakameynta faafitaanka Viruska Corona oo si xoog leh u saameeyey dalka Maraykanka.

Sharciga kala fogaanshaha dadka ayaa laga maarmi doonaa haddii ay sii xoogaysatto awoodda Maraykanku u leeyahay kahor tagga Crona Virus ama la helo daawo ama tallaal looga  hortagi karo cudurkaas.

- Advertisement -

Jaamacadda Harvard waxay tusaale usoo qaadatay tallaabooyinka ay qaateen dalalka South Korea iyo Singapore, iyagoo si adag u hirgeliyay kala fogaanshaha bulshada iyo in la xayiro dhamaan goobaha la isugu yimaado, waxayna Jaamacaddu tilmaantay in Maraykanku uu u baahan yahay inuu sii adkeeyo ku dhaqanka tallaabooyinkaas oo kale.

Daraasada Jaamacadda Harvad ee Maraykanka waxaa sidoo kale lagu tilmaamay in saamaynta Crona Virus uu u gaystay dalka Maraykanka iyo guud ahaan caalamka kale ay u badan tahay inay cawaaqib xumo dhaqaale oo caalamka wada gaarta ay ka dhalan karto, haddii aan si adag loola dagaalamin oo lasoo afjarin Crona Virus.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories