HomeCaalamkaKhasaaro ka dhashay Israsaaseyn xoogan oo ka dhacday Qaahira

Khasaaro ka dhashay Israsaaseyn xoogan oo ka dhacday Qaahira

Date:

Related stories

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...

Mogadishu sees lull in fighting after mediation

Clashes between Somali government forces and opposition-aligned groups in...

Police say no protest allowed as fighting erupts in Mogadishu

Police in Somalia's capital Mogadishu said security forces were...
- Advertisement -

Sarkaal Boolis ah iyo toddoba la tuhunsan yahay inay yihiin mintidiin ayaa Talaadadii lagu dilay is-rasaaseyn dhex martay kadib markii wasaaradda arrimaha gudaha ay heshay xogta weerar la rabay in lagu qaado Kirishtanka Kaniisadda Coptic, sida ay wasaaradda sheegtay.

Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in saddex boolis oo kale lagu dhaawacay iska hor-imaadka.

- Advertisement -

Bayaan kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in akhbaarta ay heshay ay muujineysay in koox Takfiiri ah oo ku sugan bariga magaalada Qaahira ay qorsheyneysay howl-gal argagixiso oo lagu beegsanayo Kirishtanka Coptic, inta lagu guda jiro toddobaadka ay u dabaal-degaan ciidda Easter Sunday.

Kirishtanka Kaniisadda Coptic, oo ah 10% shacabka Masar ee 100-ka milyan ah, ayaa ah bulshada Kirishtanka ee ugu badan Bariga Dhexe. Waxay maalinta Easter Sunday u dabaal-degaan 19-ka April.

Masar ayaa ereyga Takfiiri u adegesata inay ku qeexdo Mintidiinta Islaamiga ah ee dalkaas.

- Advertisement -

Hub iyo rasaas ayaa laga helay goobta uu iska hor-imaadka ka dhacay, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha.

Dacwad-oogaha Masar ayaa sheegay in koox baarayaal ah loo diray goobta uu iska horimaadka ka dhacay oo ku taalla degmada Al-Amiriya ee magaalada caasimadda ah.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories