HomeWararKoonfur Galbeed oo War kasoo saartay shaqo joojinta Guddoomiyihii Wanla-weyn

Koonfur Galbeed oo War kasoo saartay shaqo joojinta Guddoomiyihii Wanla-weyn

Date:

Related stories

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha gudaha Dowladaha Hoose iyo dib u heshiisiinta dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Maxaad Maxamed Ciise ayaa shaqo joojin ku sameeyay Guddoomiya Degmada Wanla-weyn iyo Guddoomiye ku-xigeenka qorsheynta maamulkaas. Wareegto kasoo baxday Xafiiska ku-xigeenka Wasiirka Arimaha gudaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu shaaciyay in shaqada looga joojiyay Maxamed Siidow C/raxmaan oo ahaa Guddoomiyihii […]

- Advertisement -

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha gudaha Dowladaha Hoose iyo dib u heshiisiinta dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Maxaad Maxamed Ciise ayaa shaqo joojin ku sameeyay Guddoomiya Degmada Wanla-weyn iyo Guddoomiye ku-xigeenka qorsheynta maamulkaas.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska ku-xigeenka Wasiirka Arimaha gudaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu shaaciyay in shaqada looga joojiyay Maxamed Siidow C/raxmaan oo ahaa Guddoomiyihii Degmada Wanla-weyn iyo Guuddoomiye ku-xigeenka qorsheynta Nuur Axmed Nuur Baadiyow.

- Advertisement -

Wareegtada ayaa waxaa lagu xusay in shaqo joojinta Guddoomiye Maxamed Siidow ay timid, kadib markii ay soo jeediyeen Guddiga isku dhafka ee dowladda Federaalka iyo Koonfur Galbeed ee ku baxay Colaadii ka dhacday Degmada Wanla-weyn.

Xilka Guddoomiyaha Wanla-weyn ayaa waxaa siiheyn doona Guddoomiye ku-xigeenka mnaamulka iyo maaliyada Degmadaas Maxamed Cabdullaahi Cumar.

Hoos ka Akhriso Wareegtada shaqo joojinta.

- Advertisement -

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories