HomeCaalamkaQarax xoogan oo lala eegtay Dhuun Gaaska Dabiiciga soo qaada

Qarax xoogan oo lala eegtay Dhuun Gaaska Dabiiciga soo qaada

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Dowladda Iran waxay maanta sheegtay in la joojiyey Gaaskii Dabiiciga ee u gudbin jirey dalka Turkiga, kadib, markii ay Kooxo aan la aqoonin ay qarxiyeen dhuuntaasi Agaasimaha Shirkadda Gaaska Qaranka Iiraan, Mehdi Jamshidi Dana oo la hadlay Telefishinka Dowladda Iran waxa uu tilmaamay inay Kooxo Argagixiso ah weerareen Dhuuntaasi meel ku dhow Gobalka Bazargan una […]

- Advertisement -

Dowladda Iran waxay maanta sheegtay in la joojiyey Gaaskii Dabiiciga ee u gudbin jirey dalka Turkiga, kadib, markii ay Kooxo aan la aqoonin ay qarxiyeen dhuuntaasi

Agaasimaha Shirkadda Gaaska Qaranka Iiraan, Mehdi Jamshidi Dana oo la hadlay Telefishinka Dowladda Iran waxa uu tilmaamay inay Kooxo Argagixiso ah weerareen Dhuuntaasi meel ku dhow Gobalka Bazargan una dhow Xuduudka dalka Turkiga.

- Advertisement -

Waxa uu sheegay in Dhuuntaasi la qarxiyey dhowr jeer, isla markaana ay ka shakisan yihiin inay Maleeshiyadda Kooxda PKK ka dambeeyaan Kharbudadaasi.

Agaasimaha waxa uu intaasi ku daray inay Ciiddanka Ilaaladda Xuduudka ee Turkiga ka wada tageen Xuduudka, kadib, markii uu Iran ka dillaacay Caabuqa COVID 19, lana xiray Xuduudka Labada Waddan.

Dayactirka Dhuuntaasi waxaa la sheegay inay qaadan karto muddo dhowr maalmood ah, iyadoo ay dhuuntaasi sanadkiiba ka gudbi jirtey 10 Billion oo mitir Kubik oo Gaaska Dabiiciga ah.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories