HomeWararWeerar ka dhacay duleedka Janaale iyo faah faahin kasoo baxeysa

Weerar ka dhacay duleedka Janaale iyo faah faahin kasoo baxeysa

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen Ciidamo ka tirsan kwua Milateriga dowladda Federaalka lagula eegtay duleedka Degmada Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Warar la helayo ayaa sheegaya in qaraxaas uu ahaa miino dhulka la geliyay, isla markaana ay qabsatay mid kamid ah Kolonyo ay la socdeen Ciidanka dowladda, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen Ciidamo ka tirsan kwua Milateriga dowladda Federaalka lagula eegtay duleedka Degmada Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Warar la helayo ayaa sheegaya in qaraxaas uu ahaa miino dhulka la geliyay, isla markaana ay qabsatay mid kamid ah Kolonyo ay la socdeen Ciidanka dowladda, waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

- Advertisement -

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya  in qaraxaas jugiisa ay maqlayeen, sidoo kalena ay arkayeen uuro cirka isku shareertay, In kastoo aysan cadeyn karin Khasaaraha ka dhashay.

Qoraal lagu daabacay baraha Internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheeteen Mas’uuliyada weerarkaas, iyagoona tilmaamay inay gubeen gaari Booyad ah oo ay sheegeen inuu muhiim u ahaa Ciidanka dowladda ee ku sugan Janaale.

Al-shabaab ayaa intaas kusii dartay in qaraxa lagu gubay gaariga uu Khasaaro kala duwan kasoo gaaray Ciidamo ka tirsan Dowladda, hayeeshee ma shaacin Khasaarahaas inta uu la egyahay.

- Advertisement -

Al-shabaab ayaa dhawaan weerar lagu dilay Ciidamo ka tirsan dowladda ka fuliyay duleedka Degmada Janaale oo lagala wareegay, waxaan weerarkaas ay sheegeen in lagu dilay Askar dhowr ah.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts