HomeWararR/Wasaarihii hore ee Dalka Nuur Cadde oo ku xanuunsanaya London iyo Kheyre...

R/Wasaarihii hore ee Dalka Nuur Cadde oo ku xanuunsanaya London iyo Kheyre oo ka hadlay

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuumadda Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa lagu soo waramayaa in haatan uu ku xanuunsanayo Isbitaal ku yaalla Magaalada London ee Caasimadda dalka Ingariiska. Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Nuur Cadde uu ku dhacay Cudurka halista ee Coronavirus oo kusii faafaya dalal badan oo ku yaalla Caalamka, […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuumadda Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa lagu soo waramayaa in haatan uu ku xanuunsanayo Isbitaal ku yaalla Magaalada London ee Caasimadda dalka Ingariiska.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Nuur Cadde uu ku dhacay Cudurka halista ee Coronavirus oo kusii faafaya dalal badan oo ku yaalla Caalamka, isla markaana ay u dhinteen in ka badan 10,000 oo Qof.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay xanuunka haaya Nuur Cadde, isagoo Khadka telefoonka kula hadlay Qoyska Nuur Cadde.

Waxaa uu Ra’iisul Wasaare Kheyre Alle uga baryay Nuur Cadde inuu Caafimaad Deg deg ah siiyo, wuxuuna Qoyskiisa la wadaagay inay dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay garab taagan yihiin

“Waxaan Alle ka baryayaa inuu caafimaad degdeg ah siiyo Ra’iisul Wasaarahii hore ee dalka, mudane Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ku xanuunsanaya London. Waxaan khadka teleefanka kula hadlay qoyskiisa aniga oo gaarsiiyay in dowladda & shacabka Soomaaliyeed ay garab taagan yihiin” ayuu yiri Xasan Cali Kheyre.

- Advertisement -

Cudurka halista ah ee Coronavirus ayaa ku faafay dalal badan oo ku yaalla Caalamka, waxaana u geeriyooday kumanaan ruux oo ay ku jiraan dad Soomaali ah oo kunoolaa dalka Sweden.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories