HomeWararBaarlamaanka Galmudug oo ansixiyay codsi uga yimid madaxweyne Qoor Qoor

Baarlamaanka Galmudug oo ansixiyay codsi uga yimid madaxweyne Qoor Qoor

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Waxaa maanta magaalada Dhuusa Mareeb kulan ku yeeshay xildhibaanada baarlamaanka maamulka Galmudug iyada oo kulanka uu ahaa mid looga dooday codsi uu soo gudbiyay madaxweynaha Galmudug. Inta badan xildhibaanada oo soo xaadiray kulanka waxaa la horkeenay ajandaha maanta oo ahaa u codeynta codsiga madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo la xiriiray in mudada […]

- Advertisement -

Waxaa maanta magaalada Dhuusa Mareeb kulan ku yeeshay xildhibaanada baarlamaanka maamulka Galmudug iyada oo kulanka uu ahaa mid looga dooday codsi uu soo gudbiyay madaxweynaha Galmudug.

Inta badan xildhibaanada oo soo xaadiray kulanka waxaa la horkeenay ajandaha maanta oo ahaa u codeynta codsiga madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo la xiriiray in mudada loo kordhiyo xilliga magacaabista golaha wasiirada waxaana xildhibaanada hortegay madaxweyne ku-xigeenka maamulkaas Cali Daahir Ciid.

- Advertisement -

Madaxweyne ku xiigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa xildhibaanada ka hor akhriyay codsiga oo ahaa in muddo bil ah loogu daro waqtiga uu ku dhawaaqayo goliisa wasiirada ee cusub.

Intaas kadib xildhibaanada ayaa cod aqlabiyad leh ku meelmariyay codsigaas iyaga oo muddo bil ah ugu daray waqtiga magacaabista wasiirada cusub ee maamulka Galmudug.

Madaxaweynaha maamulkaas Axmed Cabdi Kaariye Qoo Qoora ayaa ku howlan xalinta khilaafkii ka dhashay doorashadiisa taas oo siyaasiyiin badan iyo qaar ka mid ah musharaxiintii la tartamaysay ay qaadaceen,isaga oo sheegay in uu rajo ka qabo in uu isku keeno dhamaan dhicayada isku haya siyaasadda Galmudug.

- Advertisement -

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories