HomeWararDowladda Somalia oo ka hadashay warar laga faafiyay Ethiopia Airline

Dowladda Somalia oo ka hadashay warar laga faafiyay Ethiopia Airline

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Diyaaradda Ethiopia Airline ayaa waxaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa lagu eedeeyay inay ku xadgudubtay madaxa banaanida Soomaaliya, kadib markii shalay ay ka degtay Garoonka diyaaradaha Magaalada Hargeysa xili ay dowladda Soomaaliya joojisay duulimaadyadii Caalamiga ahaa. Wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawada Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad oo la hadlay  warbaahinta dowladda ayaa waxaa uu sheegy in […]

- Advertisement -

Diyaaradda Ethiopia Airline ayaa waxaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa lagu eedeeyay inay ku xadgudubtay madaxa banaanida Soomaaliya, kadib markii shalay ay ka degtay Garoonka diyaaradaha Magaalada Hargeysa xili ay dowladda Soomaaliya joojisay duulimaadyadii Caalamiga ahaa.

Wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawada Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad oo la hadlay  warbaahinta dowladda ayaa waxaa uu sheegy in diyaaradda Ethiopia Airline ee ka degtay garoonka Hargeysa, iyadoo duulimaadka caalamiga ah ka xayiranyahay dalka ay uga degtay ogolaansho ay siisay dowladda Soomaaliya.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay Wasiir Oomaar in dalka uu leeyahay sharuuc la raabo, isla markaana diyaaradda Ethiopa Airline ay Hargeysa uga degtay ogolaansho ay siisay dowladda Soomaaliya.

“Sida aad la socotaan Wadanku waxaa uu leeyahay sharuuc shuruucdaasina wadanka oo dhan ayay qabataa diyaaradda Ethiopa Airline Hargeysa iyo meelaha kale ee ay ka dageyso waxay ogolaansho uga haysataa dowladda Soomaaliyeed” ayuu yiri wasiir Oomaar.

Xukuumadda Soomaaliland ayaa dhawaan sheegtay in hawadeeda ay iyadu maamusho oo aysan jirin cid kale oo la maamusha, waxaana dowladda Soomaaliya ay ku eedeeysay in khal-khal gelin ku wado Hawada Somaliland.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories