HomeWararMaxaa ka jira in Puntland ay amar ku bixisay in Wasiirada DFS...

Maxaa ka jira in Puntland ay amar ku bixisay in Wasiirada DFS ka baxaan Garoowe?

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Maamulka Puntland ayaa beeniyay warar saacadihii lasoo dhaafay lagu faafiyay in baraha Bulshada, kuwaasi oo sheegayay in Madaxweynaha Puntland uu amar ku bixiyay in Wasiirada dowladda Federaalka ee ku sugan Garoowe ay si deg deg ah uga baxaan halkaas. War Goordhow kasoo baxay Madaxtooyadda Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in Warka la xiriira wafdiga  ka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maamulka Puntland ayaa beeniyay warar saacadihii lasoo dhaafay lagu faafiyay in baraha Bulshada, kuwaasi oo sheegayay in Madaxweynaha Puntland uu amar ku bixiyay in Wasiirada dowladda Federaalka ee ku sugan Garoowe ay si deg deg ah uga baxaan halkaas.

War Goordhow kasoo baxay Madaxtooyadda Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in Warka la xiriira wafdiga  ka socda dowladda ee la faafiyay uu yahay mid been abuur ah, isla markaana uusan jirin Go’aan lagu amray Wasiiirada inay ka baxaan Garoowe.

- Advertisement -

Qoraalka Maamulka Puntland ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in Dadka ka danbeeyay Warkaas lagu hayaa baaritaan, isla markaana ciddii lagu helo falkaasi la marsiin doono ciqaab adeg.

“Warqada lagu faafiyey Baraha Bulshada ee laga dhigayo Inay kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland, kuna saabsan Wafdiga Dowladda Federaalka ah ee Puntland, waa mid been abuur ah oo aysan waxba ka jirin, Dadka ka danbeeya been abuurkaasi waxaa lagu hayaa baaritaan, ciddii lagu helo falkaasina waxaa la marsiinaya ciqaabteeda” ayaa lagu yiri qoraalka Madaxtooyada Puntland.

Si kastaba baraha Puntland ayaa waxaa lagu faafiyay in Madaxweyne Deni  uu Wasiirada kala ah Wasiirka Arimaha Dibada Xukuumadda Soomaaliya, Wasiirka Kaluumeysiga, Wasiir Xigeenka Aminga iyo Wasiirka Shaqada iyo Arimaha bulshada Soomaaliya ku amray inay si deg deg ah uga baxaan Magaalada Garoowe.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts