HomeWararTaabid Cabdi oo ka hadlay Kiiskii ugu horreeyay ee Corona ee laga...

Taabid Cabdi oo ka hadlay Kiiskii ugu horreeyay ee Corona ee laga helay Muqdisho

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay Kiiskii ugu horreeyay ee Cudurka Coronavirus ee laga helay Magaalada Muqdisho.

Qoraal soo saaray Taabid Cabdi ayuu ku sheegay in arrin walwalkeeda leh ay tahay in qof jooga Soomaaliya la helayo Cudurka Corona, kaasi oo kamid ah dad ka yimid dalka dibadiisa ayna dowladda karantiishay.

Sidoo kale Duqii hore ee Muqdisho ayaa boggaadiyay dadaallada kala duwan oo ay Wasaaradda Caafimaadka ku howlan tahay, howlahaas oo la xiriira ka hortega Cudurka Coronavirus.

Ugu dambeybtii Taabid Cabdi ayaa Bulshada Soomaaliyeed ka Codsaday inay sidooda u qaatan tallooyinka Caafimaad iyo ka hortega Caabuqa oo ay jeedineyso Wasaaradda Caafimaadka.

Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Taabid Cabdi Maxamed.

Salaamaad! Waa arrin walwalkeeda leh in hal qof oo Soomaliya jooga laga helay caabuqa saf-mareenka ah ee Coronavirus. Caafimaad taam ah ayaan u rajeynayaa, Ummaddana Allaha wada amaansado.

Waxaan booggaadinayaa dadaallada kala duwan oo ay Wasaaradda Caafimaadka ku howlan tahay, Alle macigiina ha noqdo. Fadlan kaashada xirfadleyda caafimaadka, qubarada heer qaran iyo heer caalamiba, warbaahinta dalka iyo abwaanada si loo helo wacyigelin waafi ah iyo in si wadajir ah looga hortago cudurkan saf-mareenka ah.

Waxaan ka codsanayaa dhammaan bulshada qeybaheeda kala duwan in ay u qaataan sidooda tallooyinka iyo habraaca ka hortagga caabuqan oo ay Wasaaradda Caafimaadka iyo qubaradeeda usoo gudbiyaan bulshada.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories