HomeWararWasiir ka tirsan DFS kana soo jeeda Puntland oo aan ka qeyb...

Wasiir ka tirsan DFS kana soo jeeda Puntland oo aan ka qeyb galeyn Shirka Garoowe

Date:

Related stories

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...
- Advertisement -

Wasiirka Qorsheysan Xukuumadda Soomaaliya Xidhibaan Jamaal Maxamed Xasan oo kasoo deegaanada Puntland ayaa ka haray wafdi ballaaran oo isugu jiray Xildhibaano labada Golle ee Baarlamaanka iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo gaaray Magaalada Garoowe.

Wafdigaas oo deegaan doorashadoodu ay tahay Puntland ayaa waxaa hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, kuwaasi oo Garoowe ka qayb geli doona shirka wadatashiga Puntland ee uu Iclaamiyay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

- Advertisement -

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Wasiir Jamaal uusan ka qeyb geli doonin Shirka wadatashiga Puntland ee maalinta berri furmaya, waana Wasiirka kaliya ee kasoo jeeda Puntland oo ka maqnaan doona shirkaas.

Sababta uusan Wasiir Jamaal uga qeyb galeyn Shir ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay in Bulshada ku dhaqan deegaanka uu kasoo jeedo ay tabashooyin ka qabaan maamulka Puntland, isla markaana uu Wasiirka Go’aansaday inuusan ka qeyb gelin shirkaas.

Shirka wadatashiga Puntland ayaa waxaa ka qeyb geli doona Madaxweyneyaashii hore ee Puntland, Xildhibaano, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Dowladda Federaalka kana soo  jeeda Puntland iyo xubno kale oo lagu Casuumay Shirkaas oo ah mid siweyn loo hadal haayo,

- Advertisement -

Shirka Wadatashiga ah ayaa inta uu socdo waxaa looga hadli doono Arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin Aayaha Maamulka Puntlland, Khilaafka u dhexeeya dowladda Federaalka iyo maamulkaas iyo qodobo kale.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories