HomeWararHowlgal qorsheysan oo laga fuliyay Xaafad ka tirsan Nairobi

Howlgal qorsheysan oo laga fuliyay Xaafad ka tirsan Nairobi

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Ciidamo ka tirsan kuwa Waaxda dambi baarista dalkani Kenya ee DCI-da ayaa howlgal ka sameeyay Xaafada ay Soomaalida ku badan tahay ee Islii ee Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya. Howlgalka ay sameeyeen Ciidanka Kenya ayaa intii uu socday waxaa lagu soo qabtay 2 qof oo Muqalasiin ah iyo 11 qof oo Dumar  oo ay […]

- Advertisement -

Ciidamo ka tirsan kuwa Waaxda dambi baarista dalkani Kenya ee DCI-da ayaa howlgal ka sameeyay Xaafada ay Soomaalida ku badan tahay ee Islii ee Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.

Howlgalka ay sameeyeen Ciidanka Kenya ayaa intii uu socday waxaa lagu soo qabtay 2 qof oo Muqalasiin ah iyo 11 qof oo Dumar  oo ay tahriibinayeen, iyagoona lasoo qabtay Xaafadda Islii.

- Advertisement -

Sida laga soo xigtay waaxda baarista 11-ka dumarka ah ee la tahriibinayay oo dadooda u u dhaxeyso 23 ilaa iyo 30 sanno ayaa ku jiray qol ku yaalla state-ka lagu magacaabo Ushirika ee Islii.

Labada Nin ee tahriibinyay dadkan ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Thabit Hanni Yaseen Radman iyo Faren Yassin Radman, waxaana lagu wadaa in in maanta oo Isniin ah la soo taago Maxkamada Nairobi.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories