HomeWararDagaal ka dhacay Magaalada Jowhar iyo Hirshabeelle oo ka hadashay

Dagaal ka dhacay Magaalada Jowhar iyo Hirshabeelle oo ka hadashay

Date:

Related stories

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Wararka aan ka heleyno Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay halkaas dagaal xoogan uu ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Hirshabeelle iyo Al-shabaab. Dagaalkan ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Al-shabaab ay weerar ku bilowday Bam gacmeed ku qaadeen laba fariisin oo Ciidanka Hirshabeelle ay ku leeyihiin Xaafadaha […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay halkaas dagaal xoogan uu ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Hirshabeelle iyo Al-shabaab.

Dagaalkan ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Al-shabaab ay weerar ku bilowday Bam gacmeed ku qaadeen laba fariisin oo Ciidanka Hirshabeelle ay ku leeyihiin Xaafadaha Horseed iyo Buulo-Sheekh ee Jowhar, waxaana intaas ku bilowday dagaalka.

- Advertisement -

Dadka deegaanka oo la hadlay Idaacada Dalsan ayaa waxaa ay u sheegeen in xalay ay maqlayeen jugta rasaas xoogan oo ay isdhaafsanayeen Ciidanka Hirshabeelle iyo Al-shabaab, wallow markii dambe uu dagaalka joogsaday.

Wasiirka wasaaradda amniga maamulka Hirshabeelle Maxamed Kherie ayaa ka hadlay dagaalkii  xalay ka dhacay Magaalada Jowhar, waxaana uu sheegay in Al-shabaab ay isku dayeen inay weerar kusoo qaadan Jowhar.

“Al-shabaab ayaa isku dayday iney amaanka qal qal galshaan waxeyna Rasaas Kusoo Tuur Tuureen Bar Fariisan u ah ciidanka amaanka Hirshabelle oo bananka Magalada ah , taasoo laga Kontoroolo Dhaq dhaqaqa dadka soo galo Magalada iyo Dadka kabaxa, kooxahii soo Rabshadeyayna Fariisimahena ciidanka Amniga ayaa ku daba jiro sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa” ayaa yiri Wasiirka amniga Hirshabeelle.

- Advertisement -

Ilaa iyo hada lama oga Khasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay Magaalada Jowhar ku dhexmaray Ciidanka Hirshabeelle iyo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaa inuu jiro Khasaaro.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts