HomeWararTaabid Cabdi War kasoo saaray Raali-gelintii Farmaajo uu siiyay Somaliland

Taabid Cabdi War kasoo saaray Raali-gelintii Farmaajo uu siiyay Somaliland

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahana Duqdii Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa waxaa uu ka hadlay raali-gelintii Maanta Madaxweynaha Soomaaliya uu ka bixiyay dhibaatadii dowladdii Kacaanka u geysatay Gobolada Waqooyi ee Somaliland. Taabid Cabdi oo qoraal soo saaray ayaa waxaa uu bogaadiyay in dowladda Soomaaliya    ay garowshiyo iyo raaligelin ka bixiso xasuuqii loo geystay shacabkii […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahana Duqdii Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa waxaa uu ka hadlay raali-gelintii Maanta Madaxweynaha Soomaaliya uu ka bixiyay dhibaatadii dowladdii Kacaanka u geysatay Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Taabid Cabdi oo qoraal soo saaray ayaa waxaa uu bogaadiyay in dowladda Soomaaliya    ay garowshiyo iyo raaligelin ka bixiso xasuuqii loo geystay shacabkii Gobolada Waqooyi, iyadoo xiligaas la adeegsanayay magacii dowladda.

- Advertisement -

Sidoo kale Taabid Cabdi ayaa waxaa uu sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo markii raaligelinta uu siinayay Gobolada Waqooyi ay aheyd inuu Magaca Soomaaliland ugu yeero, taasi oo uu tilmaamay inay abuuri laheyd uur-fiyoobi.

Hoos ka Akhriso qoraalka uu soo saaray Taabid Cabdi.

Marka hore waxaan boggaadinayaa in Dowladda Soomaaliya ay maanta ku dhawaaqday in garowshiyo iyo raaligelin ay ka bixineyso xasuuqii loo geystay walaallaha Somaliland, iyadoo la adeegsanayo magacii Dowladda Soomaaliya.

- Advertisement -

Si hadalku ugu muuqdo mid runsheeg iyo niyad ka dhihid ah, waxaa Madaxweynaha laga sugayay inuu magaca Somaliland ugu yeero, taas oo abuuri laheyd uur-fiyoobi, sidoo kale ma aheyn in Madaxweynuhu xujo daba dhigo hadalkiisa.

Waxaan ugu baaqayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed iney si dhab ah, oo daacadnimo iyo laxaw ku jiro ugu istaagto sidii looga dhayi lahaa walaallaha Somaliland dhibkii gaaray, loona furi lahaa wadahadallo miro-dhal ah oo laga dhaxlo natiijo wanaagsan oo taariikhi ah.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts