HomeWararAabe Ilyaas Aadan “Waxaan qisaasanay ragii dilay Gabadhaydii waana faraxsanahay”

Aabe Ilyaas Aadan “Waxaan qisaasanay ragii dilay Gabadhaydii waana faraxsanahay”

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Kadib markii saakay Puntland ay xukun dil toogasho ah ku fulisay laba kamid ah ragii dilay Caaisho Ilyaas Aadan ayaa waxaa dilkaas sida uu u dhacay ka hadlay Aabaha dhalay Marxuumad Caaisho. Aabe Ilyaas Aadan oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay in la dilo laba kamid ah ragii kufsiga […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Kadib markii saakay Puntland ay xukun dil toogasho ah ku fulisay laba kamid ah ragii dilay Caaisho Ilyaas Aadan ayaa waxaa dilkaas sida uu u dhacay ka hadlay Aabaha dhalay Marxuumad Caaisho.

Aabe Ilyaas Aadan oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay in la dilo laba kamid ah ragii kufsiga iyo dilka u geystay Gabadhiisa oo aheyd oo 12-sanno jir, isla markaana uu goobjoog ka ahaa sidii uu dhacayay xukunka dilka ahaa.

- Advertisement -

Sidoo kale Aabe Ilyaas Aadan ayaa waxaa uun tilmaamay in Xukmanaha saddexaad dilkiisa dib loo dhigay muddo 10 cisha, kadib markii uum Codsi uga yimid dhanka Puntland iyo Ehelada gabadha.

“Maanta waxaan qisaasanay nimankii dilka iyo kufsiga u gaystay gabadhaydii Caaisho, waana dul-tegay Meydkooda oo waan hubiyay inay dhinteen labada ruux ee la toogtay, waanna ku faraxsanahay in xukunkii la fuliyay” ayuu yiri Aabe Ilyaas Aadan oo dhalay Marxuumad Caaisho.

Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige ayaa Maanta  lagu qisaasay fagaare ku yaalla Boosaaso halka Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame laga reebay, kuwaasi oo lagu helay Kiiska ah inay kufsi iyo Dil u geysteen Marxuumad Caaisho Ilyaas Aadan.

- Advertisement -

Raggaasi ayaa Maxkamadda Darajada Koowaad ee Gobolka Nugaal waxay dil toogasho ah ku ridday 12-May-2019,  Xukunkaasi oo maxkamadda Rafcaankuna ku raacday 30-June-2019.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts