HomeWararAkhriso:-Wararkii ugu dambeeyay Caawa ee Doorashada Madaxweynaha Galmudug

Akhriso:-Wararkii ugu dambeeyay Caawa ee Doorashada Madaxweynaha Galmudug

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Magaalada Dhuusamareeb ayaa Caawa waxaa laga dareemayaa qabanqaabadii ugu dambeeysay ee Arrimaha Doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenka oo saacado kaliya inaga xigaan xiliga loo balan yahay inay dhacdo Doorashada oo berri ah. Musharaxiinta kala duwan ee u tartameysa xilka Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenka ayaa Caawa Dhuusamareeb ka wada kulamo gooni gooni ah oo ay la […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Magaalada Dhuusamareeb ayaa Caawa waxaa laga dareemayaa qabanqaabadii ugu dambeeysay ee Arrimaha Doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenka oo saacado kaliya inaga xigaan xiliga loo balan yahay inay dhacdo Doorashada oo berri ah.

Musharaxiinta kala duwan ee u tartameysa xilka Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenka ayaa Caawa Dhuusamareeb ka wada kulamo gooni gooni ah oo ay la qaadanayan Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug.

- Advertisement -

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Galcal ayaa Maanta shaaciyay in berri oo Axad ah ay dhici doonto Doorashada Galmudug, isla markaana uusan jiri doonin wax dib u dhac ah.

Xilka Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa u tartamaya 4 Musharaxiinta kala ah Axmed Shire Maxamed, C/llaahi C/llaahi Samatar, C/raxmaan Aadan Sabriye iyo Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) oo ah Musharaxa haatan ugu cad cad doorashada, maadaama la sheegay inay wadato dowladda Federaalka.

Sidoo kale xilka Madaxweyne kuxigeenka ayaa waxaa u sharaxan ilaa iyo 5 Musharax, kuwaasi oo kala ah Axmed Yuusug Warsame (Taajir), Cali Daahir Ciid, Saadaq C/llaahi Xaashi, C/qani Shiikh Cali Diini iyo Maxamed Xaashi Carabey.

- Advertisement -

Xarunta lagu wado inay ka dhacdo Doorashada ayaa waxaa amnigeeda Caawa waxaa lagu wareejiyay Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ee ku sugan Dhuusamareeb, kuwaasi oo heegan buuxa la geliyay.

Waxaa kaloo Ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka la geeyay Waddooyinka ugu muhiimsan Magaalada Dhuusamareeb, waxaana Xaafadaha qaar ay ka wadaan howlga Culus oo baaritaano ah.

Si kastaba Jawiga Magaalada Dhuusamareeb ayaa Caawa waxaa uu yahay mid ka duwan habeenadii hore, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in meelaha qaar la hakiyay dhaq-dhaqaaqyadii halkaas ka jiray, iyadoona siweyn loo adkeeyay suga amniag Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts