HomeWararMareykanka oo War Cusub kasoo saaray Weerarkii Al-shabaab ee Manda Bay

Mareykanka oo War Cusub kasoo saaray Weerarkii Al-shabaab ee Manda Bay

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Taliyaha taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ee AFRICOM, oo guddi hoosaad ka tirsan Aqalka Senate-ka Mareykanka ay maanta su’aalo ka weydiiyeen weerarkii Al-Shabaab ay ku qaaday saldhigga Manda Bay, ayaa qiray in ciidamada Mareykanka aysan weerarkaas ugu diyaar garoobin sidii loo baahnaa. Jeneral Stephen Townsend, ayaa sheegay in Al-Shabaab ay awood u yeesheen inay soo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Taliyaha taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ee AFRICOM, oo guddi hoosaad ka tirsan Aqalka Senate-ka Mareykanka ay maanta su’aalo ka weydiiyeen weerarkii Al-Shabaab ay ku qaaday saldhigga Manda Bay, ayaa qiray in ciidamada Mareykanka aysan weerarkaas ugu diyaar garoobin sidii loo baahnaa.

Jeneral Stephen Townsend, ayaa sheegay in Al-Shabaab ay awood u yeesheen inay soo jebiyaan xeendaabka saldhigga Manda Bay, islamarkaana ay gudaha usoo galaan.

- Advertisement -

“Dad badan ma oga, balse saldhigga ay ciidamadeena ku nool yihiin ma ahan saldhigga la weeraray. Hase yeeshee waxay awood u yeeshaan inay soo galaan saldhigga, oo ay dilaan saddex qof oo Mareykan ah, islamarkaana ay burburiyaan lix diyaaradood. Sidaas darteed uma aynan diyaarsaneyn sidii loo baahnaa,” ayuu yiri.

Jernal Townsend ayaa sheegay inay weli baarayaan sababta ay ku dhacday in ciidamada aysan sameyn diyaar garowgii iyo feejignaantii loogaa bahnaa.

Waxa uu intaas ku daray in kadib weerarka ay halkaas geeyeen 120 askari, oo hadda xaqiijinaya amniga, islamarkaana saladhigga u yeelaya daafaca ku habboon.

- Advertisement -

Jeneral Townsend ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in weerarkaas uu AFRICOM ku qasbay inay dib uu eegaan guud ahaan saldhigyadooda qaaradda Africa, sababtoo ah buu yiri, waxay rumeysnaayeen in saldhigga Manda Bay uu ahaa saldhig amnigiisu sugan yahay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts