HomeCaalamkaDad salaad subax ku tukanayay Masaajid oo Qarax lala Eegtay

Dad salaad subax ku tukanayay Masaajid oo Qarax lala Eegtay

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Wararka ka imaanaya dalka Nigeria waxay sheegayaan in qarax ismiidaamin ah lala beegsaday dad salaadda subaxa ku tukanayay misaajid ku yaal dalka Nigeria.

Qaraxan ayaa ka dhacay magaalada Gwoza oo ku taal gobolka waqooyiga bari dhaca ee Borno subaxnimadii Axadda aheyd.

- Advertisement -

Warbaahinta gudaha ayaa ku warrantay in 3 qof oo ku tukaanayay misaajidka ay ku dhinteen qaxara halka warar kalena ay sheegayaan in mid kamid ah kuwii weerarka soo qaaday uu ku dhintay halkaas.

Balse ma jiraan ilo rasmi ah oo xaqiijin karo khasaaraha ka dhashay weerarkaas.

Ilo wareedyo ku sugan deegaankaas ayaa BBC u sheegay in labo carruur ah ay ismiidaamiyeen isla markaasna ay bartilmaameedsadeen dad salaadda subaxa ku tukanayay misaajidkaas.

- Advertisement -

Waxay dhankooda sheegeen in qaraxa uu ku dhintay canug yar halka tiro dad ah ay ku dhaawacmeen.

Ilaa iyo haatan ma jirto cid sheegatay weerarkan balse maleeshiyaadka Booko Xaraam iyo dagaalyahanno taabacsan ururka la magac baxay Dowladda Islaamka ayaa weerarro u geystay gobolkaas.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories