HomeCaalamkaTurkiga oo ka digay Dhul-gariir xoogan oo ka dhaca Istanbuul

Turkiga oo ka digay Dhul-gariir xoogan oo ka dhaca Istanbuul

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Dowladda Turkiga ayaa shaaca ka qaaday inay u diyaar garoowday Dhul-gariir xoogan oo ay suurto gal tahay inuu ka dhaco Magaalada Istanbuul oo ah Magaalada ugu weyn dhinaca dhaqaalaha ee dalkaas. Suleymaan Soylu oo ah Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Turkiga oo la hadlay Telefishinka CNN Turki ayaa waxaa uu sheegay inay Dowladiisa si weyn ugu […]

- Advertisement -

Dowladda Turkiga ayaa shaaca ka qaaday inay u diyaar garoowday Dhul-gariir xoogan oo ay suurto gal tahay inuu ka dhaco Magaalada Istanbuul oo ah Magaalada ugu weyn dhinaca dhaqaalaha ee dalkaas.

Suleymaan Soylu oo ah Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Turkiga oo la hadlay Telefishinka CNN Turki ayaa waxaa uu sheegay inay Dowladiisa si weyn ugu diyaar noqdeen dhul-gariirka laga qabsi qabo inuu ka dhacdo dalkaas, wuxuuna tilmaamay in halbeegiisu yahay 7.5 Rektar.

- Advertisement -

“Waxaan rajeynaynaa inuu dhul gariir halbeegiisu yahay 7.5 Rektar Iskeel ka dhaco Istanbul, waxaan si aan caadi ahayn uga shaqeynayanaa suurto-galnimadda dhul-gariirkaasi” ayuu yiri Suleymaan Soylu.

Dhul-gariirkii laba maalin kahor ka dhacay Waqooyiga dalka Turkiga waxaa ku geeriyootay ugu yaraan 38 qof, isla markaana ay ku dhaawacmeen in ka badan 1,600 oo Ruux.

Dalka Turkiga waxaa Taariikh ahaan ka dhan dhul-gariiryo xooggan, iyadoo in ka badan 17,000 oo qof ku geeriyoodeen dhul-gariir bishii August ee sanadkii 1999-kii ka dhacay Magaalada Izmit ee K/bari ee Magaalada Istanbul.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories