HomeCaalamkaMadaxweyne Trump oo si adeg uga Jawaabay weerarkii Iiraan

Madaxweyne Trump oo si adeg uga Jawaabay weerarkii Iiraan

Date:

Related stories

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...
- Advertisement -

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta sheegay in Iran ay u muuqato “inay dabceyso” kadib markii weerar gantaallo ay ku qaadday saldhigyada ciidamada Mareykanka ee Iraq, halkaasi oo wax khasaare nafeed ah aysan ka dhalan.

“Dhammaan ciidamadeena waa bad qabaan, islamarkaana waxyeelo yar ayaa gaartay saldhigyada. Ciidamadeenna weyn wax walba diyaar ayey u yihiin,” ayuu Trump ku yiri khudbad uu shacabka Mareykanka uga jeediyey Aqalka Cad.

- Advertisement -

“Iran waxay u muuqataa inay dabceyso, taasi oo ah wax u wanaagsan dhinacyada ay arrintan khuseyso iyo dunida oo dhan. Cid Mareykan ama Iraqi ah kuma dhiman weerarka,” ayuu yiri madaxweyne Trump.

Trump ayaa ku dhowaaqay in Mareykanka ay “cunaqabateyno dheeri ah oo darran” kusoo rogi doonaan Iran, hase yeeshee ma uusan sheegin wax aargudasho oo ka dhan ah weerarkii gantaallada – Taasi oo khubarada ay u arkeen jawaab miisaaman.

Madaxweyne Trump ayaa quwadaha adduunka oo ay ku jiraan Russia iyo China ugu baaqay inay ka baxaan heshiiskii Nukliyeerka Iran ee 2015, islamarkaana ay ka shaqeeyaan heshiis cusub.

- Advertisement -

“Dhammaanteen waa inaan ka shaqeynaa sidii aan Iran ula gaari lahayn heshiis dunida ka dhiga mid nabdoon oo ammaan ah.” Ayuu yiri.

Ilo-wareedyo Mareykanka iyo Yurub ah ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in Iran ay si ku talo-gal ah uga fogaatay inay khasaare nafeed gaarsiiso militariga Mareykanka, si aysan xaaladda uga sii darin.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories