HomeWararMareykanka oo dilay jeneraal laf-dhabar u ahaa ciidamada Iran

Mareykanka oo dilay jeneraal laf-dhabar u ahaa ciidamada Iran

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Dowladda Mareykanka ayaa xaqiijisay in ay duqeyn dhanka cirka ah ku dishay Jeneraal Qasem Soleiman oo ahaa madaxa cutub kamid ah ciidamada ilaalada kacaanka ee dalka Iran oo lagu magacaabo Quds. Wasaaradda gaashaandhiga ee Mareykanka ayaa sheegtay in Qasem Soleiman ay ku dileen duqeyn dhanka cirka oo ka dhacday meel aan ka fogeyn garoonka diyaardaaha […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowladda Mareykanka ayaa xaqiijisay in ay duqeyn dhanka cirka ah ku dishay Jeneraal Qasem Soleiman oo ahaa madaxa cutub kamid ah ciidamada ilaalada kacaanka ee dalka Iran oo lagu magacaabo Quds.

Wasaaradda gaashaandhiga ee Mareykanka ayaa sheegtay in Qasem Soleiman ay ku dileen duqeyn dhanka cirka oo ka dhacday meel aan ka fogeyn garoonka diyaardaaha ee Baqdaad ee dalka Ciraaq.

- Advertisement -

Telefishenka Dowladda Ciraaq ayaa sidoo kale baahiyay in Jeneraal Soleimani uu kamid ahaa dhowr qof oo lagu dilay duqeymo dhanka cirka ah.

Sarkaal katirsan Dowladda Mareykanka ayaa wakalaadda wararka ee Reuters u sheegay in ay fuliyeen duqeynta, laguna bartilmaameedsaday kooxo taabacsan Iran.

“Iyagoo ambaqaadaya amarka Madaxweynaha, ciidamada Mareykanka waxay qaadeen tallaabo wax iska cabin ah oo lagu difaacayo shaqalaaha Mareykanka ee gobolka, waxaana ay dileen Jeneraal Qasem Soleimani,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda difaaca ee Mareykanka.

- Advertisement -

“Weerarkan waxaa looga gollahaa in lagaga hortago weeraro ay Iran qorsheeneysay in ay fuliso, Mareykankana waxaa uu qaadi doonaa tallaaba walba oo lagaga mamaarmaan ah oo uu ku difaacayo danihiisa iyo dadkiisa meel walba oo ay dunida ka joogaan”, ayaa la raaciyay.

Dilka Jeneraalka ayaa waxaa ka hadlay wasiirka arrimaha dibadda ee Iran, Javad Zarif oo sheegay in tallaabadaas ay tahay mid khatar ah oo “doqonima ah”.

Xigasho BBC-Somali

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts