HomeWararMadaxweynaha Galmudug oo lagu soo dhaweeyay Gaalkacyo

Madaxweynaha Galmudug oo lagu soo dhaweeyay Gaalkacyo

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Gelinkii dambe ee Maanta Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug ee waqtigiisu dhamaaday ee Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa gaaray Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug. Safarka uu Gaalkacyo ku tegay Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa ku wehlinayay qaar kamid ah Golihiisa  Wasiirada, waxaana Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Mudug iyo xubno kale. Madaxweyne […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Gelinkii dambe ee Maanta Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug ee waqtigiisu dhamaaday ee Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa gaaray Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Safarka uu Gaalkacyo ku tegay Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa ku wehlinayay qaar kamid ah Golihiisa  Wasiirada, waxaana Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Mudug iyo xubno kale.

- Advertisement -

Madaxweyne Xaaf oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in aad uga faraxsan yahay inuu dib ugu laabto Gaalkacyo, isagoo ka hadlay dagaal beeleedyadii dhawaan ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Mudug, kuwaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Isaga oo sii hadlaayay Xaaf ayuu tilmaamay inta uu ku sugan yahay Gaalkacyo inuu  kulamo kala duwan la qaadan doono maamulka Gobolka Mudug iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan halkaas.

Sidoo kale Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in Bulshada Gaalkacyo uu ka hadli doona nabadeynta Mudug iyo Arrimaha Doorashada dowlad Goboleedka Galmudug oo haatan qorshihiisu dowladda ka wado Magaalada Dhuusamareeb.

- Advertisement -

Si kastaba Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maalmihii dambe ku sugnaa Magaalada Muqdisho tan iyo markii uu heshiiska la galay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts