HomeWararDhimasho iyo dhaawac ka dhashay Gaari ku rogmaday duleedka Hargeysa

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay Gaari ku rogmaday duleedka Hargeysa

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Wararka aan ka heleyno duleedka Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa waxaa ay sheegayaan in duhurnimadii Maanta halkaas uu ka dhacay Shil khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Shilkaan ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii gaari nooca raaxada ah uu rogmaday xili uu marayay deegaan lagu magacaabo isha Gobka oo ku yaalla duleedka Hargeysa. […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno duleedka Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa waxaa ay sheegayaan in duhurnimadii Maanta halkaas uu ka dhacay Shil khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Shilkaan ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii gaari nooca raaxada ah uu rogmaday xili uu marayay deegaan lagu magacaabo isha Gobka oo ku yaalla duleedka Hargeysa.

- Advertisement -

Dadka deegaanka ayaa sheegay in gaariga xiliga uu rogmanayay uu ku socday xawaare sare, isla markaana uu siday Qaad, hayeeshee mar qura uu laamiga ka baxay, sidaasina uu ku rogmaday.

Ugu yaraan hal ruux ayaa ku geeriyooday halkaas, halka laba qof kalena oo la socday gaariga uu soo gaaray dhaawac, waxaana loo qaaday mid kamid ah Xarumaha Caafimaad ee ku yaalla Hargeysa.

Ma ahan markii ugu horeysay oo gaari sida qaad uu sidaan oo kale ugu rogmado duleedka Hargeysa, waxaana inta badan arrintaas loo sababeyaa Darawalada oo gaadiidka si xawaare ah sare ah u wada iyo Waddooyinka oo ah kuwo burbursan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts