HomeCaalamkaShacab Careysan iyo Ciidamo Boolis ah oo gacanta isu la tegay

Shacab Careysan iyo Ciidamo Boolis ah oo gacanta isu la tegay

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Qaar kamid ah shacabka dalka Lubnaan ee maalmihii dambe ku dibadbaxayay dowladda dalkaas iyo laamaha ammaanka ee Lubnaan ayaa gacanta isu la tegay. Dadkan ayaa dhalooyiin dab lagu shiday ku tuurayay booliska, waxaana booliska ay kaga jawaabeen suntan dadka ka ilmeysiisa iyo biyaha laga tuuro booyadaha ee dadka lagu kala eryo. Wasiirka arrimaha gudaha ee […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Qaar kamid ah shacabka dalka Lubnaan ee maalmihii dambe ku dibadbaxayay dowladda dalkaas iyo laamaha ammaanka ee Lubnaan ayaa gacanta isu la tegay.

Dadkan ayaa dhalooyiin dab lagu shiday ku tuurayay booliska, waxaana booliska ay kaga jawaabeen suntan dadka ka ilmeysiisa iyo biyaha laga tuuro booyadaha ee dadka lagu kala eryo.

- Advertisement -

Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Lubnaan, Raya el-Hassan ayaa amray in la sameeyo guddi xaqiiq raadin ah oo kasoo war bixiya isku dhacii u dhaxeeyay booliska iyo shacabka ee dhacay sabtidii lasoo dhaafay, waxaana isku dhacaas ku dhaawacmay dad badan.

Dadkan ayaa ka careysan sida loo maareeyo dhaqaalaha dalka Lubnaan, waxaana xisbiga talada haya ee dalkaas ay ku eedeyeen dhaqaale xumida ka jirta Lubnaan.

Isku dhacyadan ayaa ah kuwii ugu xumaa ee dhaca tan iyo markii ay dibadbaxyada looga soo horjeedo dowladda ay ka bilawdeen Lubnaan sanadkan, waxaana carada dadka ay horseeday in uu iscasilo ra’iisul wasaarha dalka Lubnaan, Sacad Al Xariir, hasayeeshee wadahadalo la doonayay in lagu soo dhiso dowlad cusub ayaa guuldareystay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts