HomeCaalamkaXukun Dil ah oo lagu riday 5 Ruux oo ku lug lahaa...

Xukun Dil ah oo lagu riday 5 Ruux oo ku lug lahaa dilkii Jamal Khaashuqji

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Shan qof ayaa dil loogu xukumay dilkii weriye Jamal Khaashuqji, hase yeeshee labadii qof ee ugu sarreeyey dadkii loo baarayey dilkan ayaa dambi lagu waayey, waxaa sidaas Isniinta sheegay dacwad-oogaha guud ee Sacuudi Carabiya. Khaashuqji, oo wax ku qori jiray wargeyska Washington Post, ayaa waxaa la dilay bishii October ee 2018, ayada oo Riyadh ay dilkaas ku […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Shan qof ayaa dil loogu xukumay dilkii weriye Jamal Khaashuqji, hase yeeshee labadii qof ee ugu sarreeyey dadkii loo baarayey dilkan ayaa dambi lagu waayey, waxaa sidaas Isniinta sheegay dacwad-oogaha guud ee Sacuudi Carabiya.

Khaashuqji, oo wax ku qori jiray wargeyska Washington Post, ayaa waxaa la dilay bishii October ee 2018, ayada oo Riyadh ay dilkaas ku sheegtay howlgal ay fuliyeen “fallaago”.

- Advertisement -

59 jirkaas, oo ahaa nin wax badan ka og boqortooyada balse markii dambe isu-rogay mid dhalleeceeya, ayaa waxaa qunsliyadda Sacuudiga ee Istanbul ku dhex-dilay 15 nin oo Sacuudiyaan ah, kuwaas oo kadibna jar-jaray meydkiisa, sida ay sheegeen saraakiisha Turkiga.

Illaa iyo hadda lama helin haraadiga jirkiisa.

“Waxaan ogaanay in dilka Khaashuqji uusan ahayn mid horey loo sii qorsheeyey” waxaa sidaas yiri ku-xigeenka dacwad-oogaha guud ee Sacuudiga, Shalaan al-Shalaan oo shir jaraa’id qabtay.

- Advertisement -

Dacwad-oogayaasha Sacuudiga waxay sheegeen in ku-xigeenka madaxa sirdoonka Ahmed al-Assiri uu maamulayey kooxda dilka fulisay, islamarkaana uu sidaas kula-taliyey la-taliyaha warbaahinta boqortooyada Saud al-Qahtani.

“Si kastaba, Qahtani ayaa baaritaan lagu sameeyey balse dacwado laguma soo oogin sababo la xiriira caddeymo ku filan oo loo waayey. Sidoo kale, Assiri ayaa la baaray laguna soo oogay dacwado, balse dambiga lagu waayey, kadib markii isna caddeymo lagu waayey” waxaa sidaas lagu yiri bayaan kasoo baxay dacwad-oogaha.

Labadan nin ayaa ka mid ahaa dadka aadka ugu dhow dhaxal-sugaha boqortooyada Maxamed Bin Salmaan, waxaana shaqada laga eryey kadib dilka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts