HomeWararGuddoomiye Cawad oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Mudug Digniina diray

Guddoomiye Cawad oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Mudug Digniina diray

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad ayaa si kulul uga hadlay dagaal beeleedyada kasoo cusboonaaday qeybo ka mid ah Gobolka Mudug. Guddoomiye Cawad oo wabaahinta ku hadlay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in wax laga xumado ay tahay dagaal beeleedka kasoo cusboonaaday deegaano hoostaga degmada Af-barwaaqo ee Gobolka Mudug, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad ayaa si kulul uga hadlay dagaal beeleedyada kasoo cusboonaaday qeybo ka mid ah Gobolka Mudug.

Guddoomiye Cawad oo wabaahinta ku hadlay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in wax laga xumado ay tahay dagaal beeleedka kasoo cusboonaaday deegaano hoostaga degmada Af-barwaaqo ee Gobolka Mudug, kaasi oo sababay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

- Advertisement -

Sidoo kale Guddoomiye Cawad ayaa Guddiga nabadeynta Mudug iyo Ciidanka Xasilinta dowladda ee halkaas ku sugan ugu baaqay inay ku baxaan Codaalada Af-barwaaqo, isla markaana si deg deg u joojiyan dagaalka dhiiga uu ku daatay.

Isaga oo sii hadlaayay ayuu tilmaamay in tallaabo adeg laga qaadi doono dadka sii hurinaya dagaalka kasoo cusboonaaday Gobolka Mudug, wuxuuna Carabka ku dhuftay in dagaalka uu saameyn ku yeeshay dadka deegaanka ku dhaqan halkaas.

Ugu dambeyntii Guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka ayaa Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee dalka iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ugu baaqay inay qeyb ka noqdaan xalinta dagaal beeleedyda soo cusboonaaday.

- Advertisement -

Si kastaba dagaalkii ka dhacay deegaano hoostaga degmada Af-barwaaqo ee Gobolka Mudug ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 10 ruux, halka ay ku dhaawacmeen tirro kale, kuwaasi oo u badan dhinacyadii dagaalamay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts