HomeWararFaah faahin:-Dagaal Caawa ka dhacay Magaalada Garoowe

Faah faahin:-Dagaal Caawa ka dhacay Magaalada Garoowe

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Wararka aan ka heleyno Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas Caawa uu ka  dhacay dagaal muddo kooban socday. Dagaalkan ayaa waxaa lagu soo waramayaa inuu dhexmaray Ciidan Ilaalo ka haayay Xarunta Baarlamaanka oo taabacsan Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland iyo Ciidan kale oo ka socday dhanka Madaxtooyada. Dadka deegaanka oo warbaahinta […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas Caawa uu ka  dhacay dagaal muddo kooban socday.

Dagaalkan ayaa waxaa lagu soo waramayaa inuu dhexmaray Ciidan Ilaalo ka haayay Xarunta Baarlamaanka oo taabacsan Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland iyo Ciidan kale oo ka socday dhanka Madaxtooyada.

- Advertisement -

Dadka deegaanka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in mar qura dhanka Xarunta Baarlamaanka Puntland ay ka bilaabatay rasaas xoogan oo laga maqlayay inta badan Xaafadaha kala duwan ee Magaalada Garoowe.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidamada ilaalada Xarunta Baarlamaanka Puntland iyo kuwa socday dhanka Madaxtooyada maamulkaas ay isku hor fadhiyaan aaga Xarunta Baarlamaanka.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka, waxaana ku geeriyooday hal Askari, halka laba kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo labada dhinac ah sida la xusay.

- Advertisement -

Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka jirtay xaalad siyaasadeed, iyadoo la sheegayo inuu socdo olole Mooshin looga keenayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhoobo-daareed.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts