Hogaamiyaha mucaaradka Uganda Kizza Besigye ayaa bartiisa Twitter-ka kusoo qoray in xabsiga laga sii daayay kaddib markii la xiray Isniintii.
Kizza Besigye ayaa u mahadceliyay taaageerayaashiisa oo garab istaagaay balse wuxuu intaas ku daray in si xun loola dhaqmay intii uu xirnaa isla markaasna ku tilmaamay in loo geystay tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.
Booliska Uganda ayaa xabsiga dhigay ninkan markii ay ku eedeeyeen in baabuurkiisa uu dhigay bartamaha waddo ku taal caasimadda Kampala taas oo dhibaato ku reebtay dadka kale ee adeegsanayay waddadaas.
Besigye wuxuu dhankiisa sheegay in uu ku wajahnaa isu soo bax siyaasadeed oo halkaas uu ku qaban rabay markii ay booliska hor joogsadeen.
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.
