HomeWararDaacish oo xaqiijisay geerida Al-Baqdaadi kuna dhawaaqday hogaamiye Cusub

Daacish oo xaqiijisay geerida Al-Baqdaadi kuna dhawaaqday hogaamiye Cusub

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Ururka Daacish ayaa bayaan uu soo saaray ku xaqiijiyey geerida hoggaamiyihii kooxda AbuBakr Al-Baghdadi, islamarkaana inuu beddelo u magacaabay Abu Ibrahim al-Hashimi al-Quraishi. “Waxaan ka tacsiyeyneynaa taaliyihii kooxda” waxaa sidaas bayaan cod ah oo uu aqriyey ku yiri Abu Hamza al-Quraishi, oo lagu sheegay Afhayeenka kooxda. Baghdadi, oo Daacish hoggaaminayey tan iyo sanaddii 2014, silamarkaana […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ururka Daacish ayaa bayaan uu soo saaray ku xaqiijiyey geerida hoggaamiyihii kooxda AbuBakr Al-Baghdadi, islamarkaana inuu beddelo u magacaabay Abu Ibrahim al-Hashimi al-Quraishi.

“Waxaan ka tacsiyeyneynaa taaliyihii kooxda” waxaa sidaas bayaan cod ah oo uu aqriyey ku yiri Abu Hamza al-Quraishi, oo lagu sheegay Afhayeenka kooxda.

- Advertisement -

Baghdadi, oo Daacish hoggaaminayey tan iyo sanaddii 2014, silamarkaana ahaa ninka loogu raadiska badan yahay dunida, ayaa waxaa axaddii lagu dilay weerar ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ay ka fuliyeen gobolka Idlib ee dalka Syria.

Daacish ayaa sidoo kale xaqiijisay in afhayeenkii hore ee kooxda Abu Hassan al-Muhajir lagu dilay howl-gal dhacay maalinkii xigay maalinka la dilay al-Baghdadi.

Bayaanka Daacish ayaa lagu sheegay in golaha sharci-dejinta iyo shuurada kooxda ay kulan deg deg ah isugu yimaadeen kadib geerida al-Baghdadi, oo kasoo jeeday dalka Iraq.

- Advertisement -

“Golaha shuurada Daacish waxay kulmeen durba markii la xaqiijiyey shahiidnimada Sheikh Abu Bakr al-Baghdadi, waxaana odayaasha dagaal-yahannada barakaysan ay isku raaceen beddelkiisa” ayaa lagu yiri codka bayaanka oo socday toddoba daqiiqo.

Afhayeenka Daacish, Abu Hamza al-Quraishi ayaa u digay dowladda Mareykanka, waxaana ku hanjabay in Daacish iyo taageerayaasheeda ay ka aargudan doonaan geerida al-Baghdadi.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts