HomeCaalamkaWiil uu dhalay Jamal Khaashuqji oo difaacay Boqortooyadda Sacuudiga

Wiil uu dhalay Jamal Khaashuqji oo difaacay Boqortooyadda Sacuudiga

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Wiilka suxufiga reer Sacuudi ee la dilay ee Jamal Khaashuqji, kaasi oo beeniyey inuu heshiis lacageed la gaaray dowladda, ayaa maanta aad u difaacay boqortooyada, ka hor sanad guuradii koowaad ee dilka. Khaashuqji oo ahaa xog-ogaal ku dhex-jiray qoyska boqortooyada balse kadib isu-beddelay dhalleeceeye – ayaa 2-dii October 2018 lagu dhex-dilay gudaha qunsuliyadda Sacuudiga ee […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wiilka suxufiga reer Sacuudi ee la dilay ee Jamal Khaashuqji, kaasi oo beeniyey inuu heshiis lacageed la gaaray dowladda, ayaa maanta aad u difaacay boqortooyada, ka hor sanad guuradii koowaad ee dilka.

Khaashuqji oo ahaa xog-ogaal ku dhex-jiray qoyska boqortooyada balse kadib isu-beddelay dhalleeceeye – ayaa 2-dii October 2018 lagu dhex-dilay gudaha qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul, howl-gal ay fuliyeen 15 sarkaal oo laga soo diray Riyadh. Meydkiisa illaa iyo hadda lama helin.

- Advertisement -

11 ka mid ah dadkaasi oo la aqoonsaday ayaa maxkamad ku wajahaya Riyadh, ayada oo shan ka mid ah ay wajahayaan ciqaab dil ah.

Saalax Khaashuqji ayaa sheegay inuu “kalsooni buuxda ku qabo” hanaanka cadaaladda Sacuudiga, wuxuuna weeraray mucaaradka oo uu sheegay inay ka faa’iideysanayaan kiiskan.

“Sanad ayaa kasoo wareegtay geeridii aabahay aan jeclaa. Muddadan, mucaaradka iyo cadowga Bariga iyo Galbeedka waxay isku dayeen inay ka faa’iideystaan kiiska…si ay u waxyeeleeyaan dalkeyga iyo hoggaanka” ayuu ku yiri tweet.

- Advertisement -

“Ma aqbali doono in xusuustiisa iyo kiiska laga faa’iideysto” ayuu yiri Saalax oo deggan Sacuudiga.

“Aad ayaan ugu kalsoonahay hannaanka cadaaladda boqortooyada iyo awoodda ay uleedahay inay cadaaladda mariso kuwii fuliyey dambigan aadka u xun” ayuu yiri.

Wargeyska Washington Post ayaa 1-dii April weriyey in caruurta Khaashuqji, oo uu Saalax ku jiro la siiyey guryo malaayiin dollar ku fadhiya, islamarkaana ay mas’uuliyiinta u qoreen kumanaan dollar bil walba.

CIA-da iyo ergeyga gaarka ah ee QM ayaa labaduba si toos ah dilka ula xiriiriyey dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, eedeyntaas oo uu beeniyey.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts