HomeCaalamkaDhaxal-sugaha Sacuudiga oo ku dhawaaqay Go’aan ku aadan Iran

Dhaxal-sugaha Sacuudiga oo ku dhawaaqay Go’aan ku aadan Iran

Date:

Related stories

Beesha Caalamka Oo Warbixin Ka Heshay Doorashada Soomaaliya

Guddiga Madax-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa Muqdisho kulan xogsiin ah kula yeeshay safiirrada iyo wakiillada beesha caalamka,

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

madaxweynaha Koonfur Sudan Oo Beddelay Guddoomiyihii Baanka Dhexe

Madaxweynaha Koonfur Sudan Salva Kiir oo xilka ka qaaday guddoomiyihii baanka dhexe Johnny Ohisa, isagoo bedel u magacaabay Addis Ababa Othow.

Trump oo dadka weydiiyay wax aan dhicin

Trump oo mar kale sheegay in dabayl la'aan ay sababtay in dadka aysan daawan karin dood siyaasadeed 2024. Khubaradu waxay sheegayaan in aanay jirin caddeyn muujinaysa dhacdadaas.

Maqaayad Xalaal Ah Oo Kala Qaybisay Faransiiska

Dagaal ku saabsan makhaayad digaag xalaal ah oo Paris ka taal ayaa noqday astaan u ah kala qaybsanaanta siyaasadeed ee Faransiiska, iyadoo u dhexeeya duqa Sooshaalistaha iyo xisbiga far-left ee France Unbowed.

Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa wraeysi uu bixiyey axaddii ku sheegay in dagaal dalkiisa uu la galo Iran uu burburin doono dhaqaalaha dunida, sidaas darteedna uu door bidayo xal aan ahayn mid militari. “Haddii dunida aysan qaadin tallaabo xoogan oo sugan oo lagu celinayo Iran, waxaan arki doonnaa in xaaladda sii xumaato oo ay […]

- Advertisement -

Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa wraeysi uu bixiyey axaddii ku sheegay in dagaal dalkiisa uu la galo Iran uu burburin doono dhaqaalaha dunida, sidaas darteedna uu door bidayo xal aan ahayn mid militari.

“Haddii dunida aysan qaadin tallaabo xoogan oo sugan oo lagu celinayo Iran, waxaan arki doonnaa in xaaladda sii xumaato oo ay gaarto heer ay halis geliso danaha dunida” ayuu Maxamed Bin Salmaan u sheegay barnaamijka “60 Mintutes” ee taleefishinak CBS.

- Advertisement -

“Wax soo saarka saliidda ayaa arbushmi doona, qiimaha saliiddana wuxuu cirka u geli doonaa heer aynan nolosheena arag” ayuu yiri dhaxal-sugaha.

“Gobolkan wuxuu soo saaraa 30% tamarta dunida, sidoo kalena waa marinka 20% ganacsiga dunida, iyo 4% wax soo saarka dhaqaalaha dunida. Qiyaas, haddii intaas ay mar qura wada istaagaan” ayuu sii raaciyey.

“Tani waxay la macno noqon doontaa burbur buuxa oo ku yimaada dhaqaalaha dunida, ma ahan kaliya Sacuudiga iyo dalalka Bariga Dhexe.”

- Advertisement -

Waxa uu sheegay in weerarkii 14-kii September lagu qaaday goobaha saliidda Sacuudiga, kaasi oo dalkiisa iyo Iran ay ku eedeeyeen Iran, uu ahaa mid mas’uuliyad darro ah.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories