HomeCaalamkaDhaxal-sugaha Sacuudiga oo ku dhawaaqay Go’aan ku aadan Iran

Dhaxal-sugaha Sacuudiga oo ku dhawaaqay Go’aan ku aadan Iran

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa wraeysi uu bixiyey axaddii ku sheegay in dagaal dalkiisa uu la galo Iran uu burburin doono dhaqaalaha dunida, sidaas darteedna uu door bidayo xal aan ahayn mid militari. “Haddii dunida aysan qaadin tallaabo xoogan oo sugan oo lagu celinayo Iran, waxaan arki doonnaa in xaaladda sii xumaato oo ay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa wraeysi uu bixiyey axaddii ku sheegay in dagaal dalkiisa uu la galo Iran uu burburin doono dhaqaalaha dunida, sidaas darteedna uu door bidayo xal aan ahayn mid militari.

“Haddii dunida aysan qaadin tallaabo xoogan oo sugan oo lagu celinayo Iran, waxaan arki doonnaa in xaaladda sii xumaato oo ay gaarto heer ay halis geliso danaha dunida” ayuu Maxamed Bin Salmaan u sheegay barnaamijka “60 Mintutes” ee taleefishinak CBS.

- Advertisement -

“Wax soo saarka saliidda ayaa arbushmi doona, qiimaha saliiddana wuxuu cirka u geli doonaa heer aynan nolosheena arag” ayuu yiri dhaxal-sugaha.

“Gobolkan wuxuu soo saaraa 30% tamarta dunida, sidoo kalena waa marinka 20% ganacsiga dunida, iyo 4% wax soo saarka dhaqaalaha dunida. Qiyaas, haddii intaas ay mar qura wada istaagaan” ayuu sii raaciyey.

“Tani waxay la macno noqon doontaa burbur buuxa oo ku yimaada dhaqaalaha dunida, ma ahan kaliya Sacuudiga iyo dalalka Bariga Dhexe.”

- Advertisement -

Waxa uu sheegay in weerarkii 14-kii September lagu qaaday goobaha saliidda Sacuudiga, kaasi oo dalkiisa iyo Iran ay ku eedeeyeen Iran, uu ahaa mid mas’uuliyad darro ah.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts