HomeWararAl-shabaab oo weeraray Ciidamo ka tirsan Kenya iyo Khasaaro ka dhashay

Al-shabaab oo weeraray Ciidamo ka tirsan Kenya iyo Khasaaro ka dhashay

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Wararka naga soo gaaray Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya. Weerarka ayaa waxaa lagu qaaday Saldhig Ciidanka Kenya ay ku leeyihiin meel ku dhow deegaan lagu magacaabo Ceelraam oo ka tirsan Gobolka […]

- Advertisement -

Wararka naga soo gaaray Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya.

Weerarka ayaa waxaa lagu qaaday Saldhig Ciidanka Kenya ay ku leeyihiin meel ku dhow deegaan lagu magacaabo Ceelraam oo ka tirsan Gobolka Waqooyi Bari,isla markaana waxaa intaasi kadib xigay dagaal kooban oo dhexmaray labada dhinac.

- Advertisement -

Sidoo kale weerarka ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro kala duwan,waxaana la sheegay in Ciidanka Kenya halkaas looga dilay 9 Askari,sidoo kalena looga gubay ku dhawaad Afar Gaari.

War qoraal ah oo lagu daabacay baraha Al-shabaab ay ku leeyihiin Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada weerarkii lagu qaaday Ciidanka Kenya,iyadoo tilmaamay in halkaas ay ku dileen 9 Askari.

Sidoo kale Al-shabaab  waxaa ay sheeteen in weerarka ay ku gubeen Afar gaari oo kala Taaw,Kooyal Mutibiish iyo Probox,isla markaana ay jireen kuwa gaashaaman.

- Advertisement -

Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidanka dowladda Kenya oo ay uga hadlayaan wararka sheegaya in weerar looga dilay Askar ka tirsan iyo in laga gubay dhowr gaari.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories